Shirkadda Telesom oo Qalab Caafimaad Ku wareejisay Wasaaradda Caafimaadka Somaliland. SAWIRO

0
Monday June 22, 2020 - 14:42:10 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1817
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shirkadda Telesom oo Qalab Caafimaad Ku wareejisay Wasaaradda Caafimaadka Somaliland. SAWIRO

    Munaasibadan ayey shirkaddu ku wareejisay qalabka caafimaadka oo lacagtiisu dhameyd $640,000

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Munaasibadan ayey shirkaddu ku wareejisay qalabka caafimaadka oo lacagtiisu dhameyd $640,000

Hargeysa - (HWN) - Shirkadda Telesom ayaa qalab caafimaad oo loogu talo galay in lagu tacaalo xanuunka Covid19 ku wareejisay wasaaradda caafimaadka Somaliland.


Munaasibada wareejinta oo ka dhacday xarunta kaydka dawooyinka ee cusbitaalka guud ee Hargeysa maanta [Isniin] waxaa, ka soo qayb-galay wasiirka horumarinta caafimaadka, wasiirka Diinta iyo Awqaafta, xubno kale oo bahda caafimaadka ah, guddomiyaha iyo guddoomiye ku-xigeenka shirkadda Telesom iyo xubno kale oo maamulka Telesom ah.



Munaasibadan ayey shirkaddu ku wareejisay qalabka caafimaadka oo lacagtiisu dhameyd $640,000 oo dollar, waxaana qalabkaasi guddoomay wasiirka horumarinta caafimaadka Somaliland Cumar Cabdilaahi Badde, waxaanu uga mahadnaqay shirkadda Telesom deeqdaasi, waxaanu sheegay inay tahay deeqdii ugu muhiimsanayd ee soo gaadha wasaarada tan iyo intii uu bilaamay Covid19.



Loading...
Loading...