Hoggaamiyaha Aqlabiyadda Baarlamaanka Kenya Oo Xilkii Laga Qaaday

0
Monday June 22, 2020 - 13:01:07 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1621
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hoggaamiyaha Aqlabiyadda Baarlamaanka Kenya Oo Xilkii Laga Qaaday

    Xildhibaan Aadan Barre Ducaale

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaan Aadan Barre Ducaale

Xildhibaan Aadan Barre Ducaale oo ahaa hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka dalka Kenya ayaa goor dhow xilka laga qaaday, kadib markii ay kalsoonida kala noqdeen inta badan xildhibaanada baarlamaanka dalkaasi.

 

Xildhibaan Aaden Barre Ducaale oo tan iyo doorashooyinkii 2013-kii ahaa hogaamiyaha aqlabyidda baarlamaanka Kenya ayaa markale wajahay huban la'aan xilkiisa ah.

 

Bilowgii bishan ayey aheyd markii uu Aaden Barre ka badbaaday qorshe la doonayay in xilka hogaamiyaha aqlabiyadda looga qaado kaddib markii isbeheysiga haya talada ee Kenya uu isbaddallo ku sameeyay xubnaha hoggaanka u ah xisbigaasi ee jagooyinka kala duwan ka haya laba aqal ee baarlamaanka iyo sanetka.

 

Ducaale oo waqtigaas BBC-da la hadlay ayaa sheegay in sababta uu uga badbaaday xil ka qaadista ay tahay in xubnaha ka tirsan xisbiga ay kalsooni ku qabaan shaqada uu ka hayo baarlamaanka.

 

"Badbaadada Ilaahey ayaa iska leh....kalsoonida golaha baarlamaanka oo maanta madaxweynaha iyo madaxweyne ku-xigeenka ay joogeen dhib ayay kalsooni ii siiyeen... shaqadii aan ka qabtay xisbiga sida in aan baarlamaanka ku hoggaamiyay, arrimihii dowladda oo aan sidii la rabay uga soo baxay anigoo weliba kalsooni ka heysta xitaa dhinaca mucaaradka," ayuu yiri xildhibaan.


Loading...
Loading...