Waa Kuma Indheer Garad (Intellectuals)

0
Saturday March 02, 2019 - 20:13:59 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1729
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waa Kuma Indheer Garad (Intellectuals)

    Indheer garadku Nidaam Xukkumaded oo jira wuu ka hor iman karaa isagoo saluugsan waanu taageeri karaa oo wax

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Indheer garadku Nidaam Xukkumaded oo jira wuu ka hor iman karaa isagoo saluugsan waanu taageeri karaa oo wax


baadhis,wuxuuna soo jeediyaa xalka mashaakilka jira lagu dabiibi lahaa,wuxuu qaabeeyaa habka ay bulshadu u fikirto,wuxuu jeexaa Guideline sidaas waxa uu ku kasbadaa kalsooni iyo billad sharafed uu umadda ka dhex lahaado.

Indheer garadku Nidaam Xukkumaded oo jira wuu ka hor iman karaa isagoo saluugsan waanu taageeri karaa oo wax ka dhisi karaa,lkn waa inay hab cilmi ah ahaatta ee aanay noqon qaababkan kale ee aynu wax ku cabbirno mar haddii uu qofku u qalab qaatto inuu wax ka beddelo nolosha bulshada waa suurto gal inuu wax fiican ka beddeli karo,waxa uu leeyahay astaamo iyo sifooyin u gaara waxa ka mid ah.

1-Ugu horrayn qofka indheer garadka ah ee Bulshada wax u sheegayaa waa inuu lahaadaa Aqoon iyo waayo aragnimo sax ah,waa in la yaqaanna taariikhdiisa waxbarasho Dugsi hoose ilaa heer jaamacadeed

2- waa qof wax ku soo kordhiya umadda uu ka tirsanyahay ama aragti cusub ikhtiraaca oo Horumar ku jihaysan,ee ma aha sida Somalidu u taqaanno mid wax ka sii rida oo sii kala kexeeya.

3- maaha qof seef la bood ah ama Caadifad eryanayso ee waa Qof si degganan ku jirto wax u hubsada oo wax miisaama haddii kale wuu ku kicin doonaa wixii uu arkoba taasna faaiido ma laha.

4-Waa qof Qabiil ,qabyaalad,Koox,Cunsuriyad,Midab takoor iyo wax la mid ah ka xor ah haddii aanu xor ka ahayn dee inta ay isku qabiilka yihiin ayunbaa Rumaysan doontaa oo uu indheer garad u noqon doonaa dadkii kale wuu luminayaa.

5-Maaha qof dhaqaale iyo danaysi ku shaqeeya,haddii taasi timaaddo wuxuu ku shaqaynayaa ciddaas uu dhaqaale ka helo mabda ay wadato markaas dhinacyada kale way ka tagayaan.

6-Waa qof akhlaaqiyad iyo diin ahaan dhisan oo meel loogu soo hagaago leh.sidoo kale waa inuu ahaadaa qof dul qaad leh

7-Waa qof run sheeg ah oo lagu yaqaano Runlow sidaas darteed waa lagu kalsoonanayaa haddii kale waa wixiisii ayaa la odhan doonaa oo waxa lumaysa (Credibilty) isku hallayn ma laha.

8-Waa qof dadaal badan oo intelligent ah maskax furan,Fahmo badan oo akhriyi kara laba line dhexdood sirta ku duugan.

9-Waa inuu aragti fog lahaadaa umaddana farta ugu fiiqaa wax ka shisheeya intan la arkayo ee dhow

Dhamaanteen asxaabtayda qaaliga ah waa inaynu sifooyinkan iyo sifooyinka kale ee wanaagsan aad ku dari kartaanba aynu wadaagno oo ugu yaraan bal qofka umadda wax u sheegayaa inuu ku dadaalo bal inay faaiido soo kordhinayso waxan uu gudbinayaa,haddiise ay noqoto cid ka cadhaysii ma aflagaadee ama Muran ka uun xooji dee waxba ma soo kordhinayso.

Wa billaahi towfiiq

Rashiid Odowaa

[email protected]

063-4101213

*********************************************************************

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...