Somaliland Oo Kenya Ku Hambalyaysay Kursigii Ay Kaga Guulaysaytay Jabuuti

0
Monday June 22, 2020 - 08:57:51 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2145
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliland Oo Kenya Ku Hambalyaysay Kursigii Ay Kaga Guulaysaytay Jabuuti

    Waxaanu sheegay guushs Kenya ay ka turjumayso kalsoonida dalalka xubnaha ka ah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaanu sheegay guushs Kenya ay ka turjumayso kalsoonida dalalka xubnaha ka ah

Nairobi-(HWN)-Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa Dawladda Kenya ku bogaadisay kursiga aan joogtada aheyn ee Golaha Ammaanka ee loo doortay Khamiistii Todfobaadkii hore. Kaasi oo ay ku tilmaantay inay door ka qaadan doonto xasilinta Geeska Afrika.

 

Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, ayaa soo xigatay warbixin uu Wargeyska East Africa Business Week ee dalka Uganda uu ku qoray Danjiraha JSL u qaabilsan Kenya, Baashe Cawil Cumar oo bogaadiyey Dawladda Kenya isagoo metalayey Xukuumadda iyo Shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland. Waxaanu sheegay guushs Kenya ay ka turjumayso kalsoonida dalalka xubnaha ka ah Qarammada midoobay ay ku qabaan dalka Kenya.

 

Danjire Baashe Cawil waxa uu intaas ku daray in kursiga aan joogtada aheyn ee Kenya ka heshay Golaha Ammaanka oo ay haynayso 2020 ilaa 2021ka uu badhitaari doono Nabadda iyo Xasiloonidda mandaqadda Geeska Afrika.


Loading...
Loading...