Dawlada Somaliya Oo Shaacisay Xaalada Covid-19 Oo Ay Ku Jirto Deegaanada Somaliland

0
Monday June 22, 2020 - 08:55:05 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 2200
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawlada Somaliya Oo Shaacisay Xaalada Covid-19 Oo Ay Ku Jirto Deegaanada Somaliland

    Wasaaradda caafimaadka waxay sidoo kale sheegtay in laba qof ay cudurka COVID-19

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasaaradda caafimaadka waxay sidoo kale sheegtay in laba qof ay cudurka COVID-19




Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in 24-kii saac ee lasoo dhaafay ay diiwaan gelisay 24-kiis oo cusub oo ah dad laga helay cudurka COVID-19.

 

Qoraal kasoo baxay wasaaradda caafimaadka ayaa lagu sheegay in dadkaas ay kala joogaan Somaliland oo 15 kiis ah, Puntland oo 6 kiis ah, iyo gobalka Banaadir oo 3 kiis laga diiwaan geliyay.

 

Wasaaradda caafimaadka waxay sidoo kale sheegtay in laba qof ay cudurka COVID-19 ugu geeriyoodeen Soomaaliya, taasi oo tirada guud ee geerida ka dhigeysa 90 qofood.

 

Dhanka kale, waxay wasaaraddu sheegtay in xanuunka ay ka bogsoodeen 31 qofood, taasi oo tirada guud ee dadka bogsooday ka dhigeysa 782 qofood, oo ka dhigan inay xanuunka ka bogsadeen illaa 28% dadkii uu feyrusku haleelay.

 

Tirada guud ee kiisaska Soomaaliya ay diiwaan gelisay ayaa gaartay 2,779 xaaladood oo COVID-19 ah.


Loading...
Loading...