Gabbad Iyo Guun. W/Q: Abdilahi Geeljire

0
Sunday June 21, 2020 - 11:32:36 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1306
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gabbad Iyo Guun. W/Q: Abdilahi Geeljire

    La soco ..... to be continued

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

La soco ..... to be continued

Gabbad: ‘aar imikaad na odhan maxaad eegaysaa iyo tororoge ma kaa dhegeysanaa khudbadda "guusha” ee Madaxweynaha?

 

Guun: Waar maantaabu u ladan yahay. Haaye dhegeyso raali ahawoo.

 

Gabbad: Bal eeg waa waxaanu sheegeynay eh. Intii damboo dhan baad na dhaafisay. Afku ku go’. Afkaa ku cuncunaya oo miridh aamusi kari maayo. Adeerow orod oo laamahaa Ilaahay mid aad keligaa ka yuusto doono tan ku wada joogi kari maynee.

 

Guun: Waar sawtaan raali ahaw ku idhi dee. Waa ku sidee? Miyaanad ciyow weyn ahayn?

 

Gabbad: ‘aar ciyow weyn iyo nin weyntoona garan maynee dhegaha maruun nooga bax.

 

Guun: Maxaad Fahamtay imika dee waxaa iska dhaafoo? Maxaad sidii xiidmo dab la saaray la shuuqaysaa uun?

Khudbaddii ku soo noqo.

 

Gabbad: Horta Faataxaduu ku xirsi xidhay. Aamiinta ka dhacday waa la yaabay. Qaar baa mooday in la tukanayo. Hhhh

 

Guun: Dadka iska daayoo ii wad. Hayee?

 

Gabbad: Dabeeto weftigii buu amaanay. Inaanay seexan oo hurdo u baahan yihiina wuu inoo sheegay.

 

Guun: waaaayey? Oday Saleebaan da’diisii miyuu sheegay. Wuu ka xanaaqay baan maqlaye. Iska wad. Haye

 

La soco ..... to be continued


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...