Sirta Noloshu waa Fahamka Nolosha (Q,4-aad)

0
Sunday June 21, 2020 - 10:27:49 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1072
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sirta Noloshu waa Fahamka Nolosha (Q,4-aad)

    Qalinkii/ Maxamed Faarax Qoti

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qalinkii/ Maxamed Faarax Qoti

"Markabkan aynu saaranahay ma’dabeylahaa wadhfinaaya, mise, si fiicanbuu bad-weynta dusheeda u dhex-mushaaxayaa? Are we on board the ship plying nicely in the high seas or winded navigation?,.” Waa Qormo Xiiso Badan oo uu qoray Qoraa Maxamed Faarax Qoti.

 

Muddo yar ka dib, waxa nala’soo daristay hurdo yaraan ay sabab u ahayd ciy’da mashxaradda ay nagu raali-galinaysay markay naga fusho kaneecadii ku noolayd markabkii aanu saarnayn, waxay lahayd lix-lugood, af-dheer iyo in ka badan boqol (100) indhood, taasoo, ku duuleysay duulimaad hoose oo gaadhayey illaa iyo 18- joog sare (Feet), inkastoo, cimrigeedu uu gaabnaa, haddana, miisaanka culeyskeedu waxa uu ahaa laba milligaram (2mg), kaasoo keeda lab uu quudanayey geedaha Ubaxa leh ee saarnaa markabkaas, halka dhadigeeduna ay quudanaysay dhiigayaga.

 

Waxa lagu qiyaasaa qabiilada ay ka kooban tahay kaneecadu Laba kun iyo todoba boqol (2,700) oo qabiil, sida, Culiseta mosquito, Mansonia mosquito, Psorophora mosquito, Toxorhynchites mosquito, Wyeomyia mosquito, Uranotaenia mosquito, Orthopodomyia mosquito, Deinocerites mosquito, oxorhynchites mosquito , haemagogus mosquito, asian tiger mosquito, psorophora ciliate mosquito, Marsh mosquito, balse, waxa dhibaato soo gaadhsiiya aadamaha, teeda dhadiga saddexda qabiil ee kala ah, Aedes mosquito, Anopheles mosquito iyo Culex mosquito.

 

Kuwaasoo sabab u ah inay u kala gudbiyaan cudurada kala duwan ee halista ku ah aadamaha, cuduradaas oo ay ka mid yihiin, kuwa ku dhaca maskaxada ee loo yaqaano Encephalitis " Eastern equine encephalitis virus (EEEV) , chikungunya, Dengue fever, yellow fever, lymphatic filariasis, elephantiasis (Lugta Maroodiga), Malaria.

 

Ka dib, waxaan isku dayey in aan war-bixin ka hello mareegaha wararka ay ku baahiso Ha’yada Caafimaadka Aduunka, taasoo aan ka akhriyey war-bixin ku saabsan cudurka kaneecada inay u dhinteen 429, 000 oo qof, una jiifaan qayb ka mid ah dadka dunida ku nool cudurada kaneecada sannadkii aynu soo dhaafnay ee 2015-kii.

 

Muddadaasi waxaan ogaaday mid ka mid ah siraha Dahsoon ee ku duugan kitaabka quraanka kariimka ah, innay ku jirto Aayad aad kaga badbaadayso qaniinyada kaneecada, ka dibna, waxaan kulan la yeeshay qaar ka mid ah dadkii saarnaa markabkaasi, waxaanan ku wargaliyey, haddii ay akhriyaan suuratul Ibraahim Aayada 12-aad, 7-jeer kuna tuftaan biyo nadiif ah, isla markaana ay ku rusheeyaan goobta ay ku jiraan, iyagoo isticmaalaya erayga idamka Alle (SW) nagu nabad gali, aynu kaga badbaadayno ciy’deeda iyo qaniinyadeeda kaneecadan aynu ka seexan kari weynay, taasoo dadka qaar ay u arkayeen inay tahay khurufaad, haddana dadka intooda badan markii ay tijaabiyeen way ka nabad-galeen qaniinyadii kaneecadaas.

 

Waxa kale oo aad u layaab badnaa todoba (7) su’aalood oo ay ka xannaaqi jireen, shaqaalihii (Cruise) markabkii aanu saarneyn haddii la weydiiyo, waxaana ka mid ahaa su’aalahaasi, korontadii maxaa ku dhacay? Isgaadhsiintii maxaa ku dhacay? Qolkaygu malaha biyo? Maceeshadii maxaa qaaliyeeyey? Miyaanu markabku lahayn adeeg caafimaad oo bilaasha? Miyaanu jirin hudheel lagu iibiyo cuntada badda? Maxaad u hagaajin weydeen suuliyada Markabka uu leeyahay? taasoo ay sabab u ahayd in aanay intooda badan gacanta ugu jirin shaqaalihii (Cruise) ee markabkaasi S-Dnal-Re.

 

Markii uu dhamaaday caymiskii uu kula jiray dowlada Ingriiska, qarnigii 19-aad, waxa uu markabkaas hormood ka noqday bilowga shirkad cusub oo lagu yagleelayey caymiska maraakiibta mandaqada geeska Africa, kaasoo noqday mid lagu guul-dareystay hirgalinta himiladdii laga lahaa shirkada caymiska Maraakiibta.

 

ka dib, waxa aanu ku soo beeganay xuska dabaaldeg lagu xusayey sannad-guurada maalintii ugu horeysay ee markabka S-Dnal-Re uu u kala gooshay daafaha dunida, taasoo aan ka xasuusto midhihii luuqda erayada dhawaaqa codka dananka lahaa ee jiibta iyo jaanta ay isla helayeen shaqaalihii (Cruise) Markabkaas, waxa ka mid ahaa.

Sidii dayax soo baxoo

Intuu sagal roob dhex-galay

Cadeeda sagootiyaay

Siraad ii nuurayaay

Adaa sadrigayga galay

Wadnaha ku dulseexdayoo

Naftiiba adaa sitee

Waxaan sugayaa annigu

Inuu Alle innagu simo

Aroos loo sacab tumee

Kalsooni naftaada sii .

 

Aduunyadu waa silsilad

Salaamo wareegayoo

Subaxba waabaa baryoo

Saadaal kheyrlaan arkaa

Sursuur waa laga baxaa

Sabool waa laga dhaqdaa

Sedkaagu hadduu yar yahay

Iimaanbaa lagu sedkaa

Hadday inna seegtay tallo

Sideed Saddex iyo Todoba

Khaldkii waataan saxnee

Allow samo nooga yeel.

 

Maalinkaas annigoo ku hamiyaya in aan ku wareego markab uu lahaa Ingiriisku, ayaan kula kulmay nin la socon jiray markab uu Ingiriisku lahaa, hudheel ka mid ah hudheeladii markabkaasi, Ninkaas, ayaa iiga sheekeeyey nin ay saaxiib ahaayeen, kaasoo habeen habeenada ka mid ah u soo galay, isagoo sita quraarad aad u weyn, waxaanu ii sheegay, marka uu dhinto in la gubo oo dambaskiisa lagu shubo quraaradii uu sitay, isla markaana aan geeyo tuulada xaraf.

Annigoo la yaaban sheekadaas, ayuu yidhi,:- Ninkaasi waxa uu qabay gabadh hindiyad ah oo uu aad u jeclaa, balse, ……La soco………

 

Qalinkii/ Maxamed Faarax Qoti


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...