Fogaa Roobka I'hayaa, Hillaaduna Ka Fooganaa

0
Sunday June 21, 2020 - 10:04:58 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 830
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Fogaa Roobka I'hayaa, Hillaaduna Ka Fooganaa

    W/Q: Maxamed Faarax Qoti

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Maxamed Faarax Qoti



(Waa qormo aad u xiiso badan oo ka hadlaysa caabuqa Covidku halkuu ka yimid iyo noolayaasha dulinka ilimaqabatiga ah sida, Fayraska, Bakteeriyada, Fungaska iyo Baarasaytka)

 

Aqoontu waa habka ururinta xoggaha waxbarashada aqoonneed iyo xaqiiqooyinka laga dhaxlo waayo-aragnimadda qofeed, halka murtiduna ay tahay hellitaanka xukun tayaddiisu wanaagsan yahay, kaasoo ku salaysan aqoon faham-awoodeed, haddaba marka la isku geeyo aqoonta iyo murtida, xaqiiqdii waxa ka soo baxa fulinta ugu go'aan qaadashada fiican.

 

Fahamkuna waa awoodda lagu fahmo aqoonta iyo rabitaanka qofka, garashaduna waa qaabka lagu hello xaqiiqada fahamka qotoda dheer leh ee ku saabsan doorashada aqooneed ee qofnimo, waana awoodda sameysa jaangoynta fulinta qaybaha nolosha, aqoonta iyo go’aan qaadashada, , sidaa awgeed, haddii aqoontu ay leedahay awood, murtiduna ay tahay habka doorashadda ee loogu isticmaallo awooddaas, fahamkuna uu yahay habka fulinta ee loogu isticmaallo awooddaas, ayey garashaduna ku noqotay habka jaangoynta fulinta doorashada ee loo isticmaallo hillaadinta himiladda.

 

Haddaba haddii aynu yeelano garasho oo aynu u rogno fulin-aqooneed, murti iyo fahan leh, isla markaana aynu sii joogtayno fulinta qaybaha nolosha, aqoonta iyo go’aan qaadashada, waxaynu yeelan lahayn kalsooni badan oo ku saabsan hillaadinta himiladda aynu hiigsanayno.

 

Marka aynu ka nimaadno arrimhaas oo dhan, waxa muhiim ah in aynu fahamno waa maxay fayrasku, Fayrasku ama Jeermisku (Virus or Jermis) waa dareere lab ah oo hawaa’iya, waana noollaha ugu yar noollayaasha illi maqabatiga ah, waxaanu leeyahay madax iyo dabodheer, marka uu weeraro noolayaasha waxa uu nugleeyaa unugyada difaaca jidhkooda, noolahani kuma noolaan karo ilayska qoraxda, cimillada kulul, hawo la’aanta, timaheena, maryaheena iyo kabaheena, balse, waxa uu ku noollaan karaa biyaha wasakhaysan, hawada qabow ee haddana qoyan,hawada engagan ee fudud ee xilliga jiilaalka ku teedsan dhulka iyo cirka guudkiisa…… la soco...........Maalmaha fooda inagu soo haya haddii Alle Yidhaahdo

 

W/Q: Maxamed Faarax Qoti

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...