Faallo:- Macdanta Fiqi-Ayuub Qaranka Wey Ku Fileyd Laakiin Qadoodi Ayaa Laga Joogaa.
Dal kasta oo aduunyada ka mid ahi wuxuu leeyahay khayraad iyo farsamo dakhli ka soo galo. Wadamada horumarey dakhligoogu wuxuu ku xidhan yahay alaabta warshadahooodu soo saaraan oo ay u suuq geeyaan aduunyada kale. Wershadahaas waxay abuuraan shaqo abuur iyo xarakaad suuq, nolosha dadkuna waxay ku tiirsan tahay dakhliga ka soo gala shaqadooda. Intaas waxaa dheer canshuurta laga qaado adeega, alaabta iyo shaqaalahaba oo qaran ku dhisan yahay oo lagu maamulo hufnaan iyo isla xisaabtan ku dhisan kalsooni.
Hadaba, si umadi horumar u gaadho waxaa asal u in la helo marka hore aqoon, hufnaan iyo daah furnaan maamul (knowledge , accountability and transparent) si meesha looga saaro musuqmaasuqa, maamul xumada iyo eexda. Nolosha iyo dhadhaqaaqeedana waa in mar walba lagu xakameeyaa isla xisaabtan joogta ah si loo ogaado jahada dhadhaqaaqani ku wajahan yahay, iyadoo lagu cabiraayo halbeeg sugan oo kalsooni umadeed leh iyadoo la raacayo xeerar iyo qawaaniin degsan oo lagu abuurey kalsooni wadareed.
Daah furnaanta maamul iyo isla xisaabtanku wuxuu horseedaa in maamulku noocu doono ha ahaadee helo kalsooni umadeeda, umada dhexdeeduna is aaminto. Hay’adaha adeega buslshada gacanta ku hayaana waxay noqonayaa kuwo fidiya adeeg hufan oo ceeb ka carar ah kalsooni doona ah, dadkana ku celinaya adeeg ay dadku u igmadeen. Kharashka adeegan lagu fulinaayona waa dakhli ay bixiyeen loo adeegayaashu. Adeeg fuliyahana oo ah hay’adaha mid dawladeed iyo gaar ahba waxay dadku kula xisaabtami doonaan hantida iyo maamulkaba, waxaa halkaas ka cad in isla xisaabtanku dheelitiro rarka maamulka la saaro, waxaana u asal ah kalsoonida iyo is-aaminka.
Macdanta Fiqi-ayuub iyo maamul xumada hadheysan dalka Somaliland waa wadan yar oo faqiirnimo saameyn xoog leh ku yeelatey adeegii buklshadu u baahneyd, waxaana adkaatey in la helo adeeg hagaagsan oo tayo leh, sababna looga dhigayo dakhli yaraan iyo isla xisaabtan la’aan haysata hay’adihii loo igmadey adeega bulshada sida caafimaadka, waxbarashada , biyaha iwm. Waxaa dhab ah in Fiqiirnimadu halkeeda taagnaaneyso weligeed dakhli kastoo la helo hadii aan la helin isla xisaabtan, maamul wanaag iyo daahfurnaan oo aan lagu xisaabtamin kalsoonida bulshada adeega loo fulinaayo iyadoo la dhowrayo amaanada umada.
Waxaa mudo hada laga joogo 2 sano buuraha Fiqi-ayuub laga howl geliyey shirkado Shiineys ah oo ogolaansho ka haystey wasaarada macdanta si ay u soo saaraan madanta JADE-ka loo yaqaano. Dadka degaankan degan waa bulsho reer baadiye ah oo adeeg iyo maamul dawladeed midna gaadhin, taasna
waxay sababtey in bulshadani ka hadhaan horumarka bini’aadamka laakiin markii ay arkeen maamulkii iyo shirkadihii oo wada socda waxaa gashey rajo iyo yididiilo nololeed waxayna ku soo dhoweeyeen gacmo furan si loo soo saaro kheyraadka dihin, baahiyahoodana wax looga qabto, qarankuna badhaadhe u gaadho.
Wasaarada macdanta iyo shirkadahani waxay odayaasha iyo waayeelka degaanka la galeen heshiis gacan ku rumis ah, iyadoo dadka loo balan qaaday horumar baxaad leh oo wax lagag qabanayo adeegyada bulshada taabanaya sida caafimaadka, waxbarshada, biyaha , tamarta iyo wadooyinka iyo ilaalin degaanka oo xoolo daaqeen ahaa.
Maxaa bulshada loo qabtey 2 sano ka dib ?
Jawaabtu waxay maanta noqotey ”Waxba lagama fulin balanqaayadii heshiiska ku xusnaa ee bulshada lala galey ”. Mudadaas sanooyinka ah waxaa lagu foognaa qodida iyo soo saarida macdanta buuraha Fiqiayuub, waxaana ka hirgeley wax soo saar aan xisaabtiisa la hubin maadama maamul wanaagii iyo
daah furnaantii meesha ka maqan tahay xisaabtana lagu darsan sida muuqata. Gebi ahaanba meesha waa laga saarey heshiisyadii lala galey bulshada degaankan degan, waxaana loola badheedhey dulmi iyo in hantidoodii gacanta loo geliyo shirkado shisheeyo oo ka daneysanaya, manafaaciidkii iyo faa’iidadii ka soo baxdeyna fara-dhexdood ayey ka baxdey oo la isma weydiiyaan. Waxaa isku dhex milmey wasaaradii macdanta iyo shirkadihii oo ku shuraakoobey dano qarsoon oo shaqsiyeysan.
Waxaa nasiib daro ah oo muuqata in dakhgligii qaranka iyo bulshadaba aan maanta la ogeyn meel u ku dambeeyey halkaasna lagu lunsadey hantidii ummada lahayd. Dakhliga xoogan ee laga filaayey macdanta Fiqi-ayuub wuxuu
dabooli karaayey dhamaan baahiyaha ka jira qaranka iyo degaankanba hadii hufnaan iyo maamul wanaag jiri lahaa. Wax kale iska daayee, Nasiib daro, Fiqi-ayuub waxay ka tirsan gobolka Togdheer hadana Dhakhtarka Burco bukaankii jiifey ayaa ugu dhimanaya ogsiijiin la’aan iyadoo macdantii gobolka
loo daabulayo dalka Shiinaha. Hadii mashruucan macdanta ee Fiqiayuub lagu maamuli lahaa hufnaan iyo maamul wanaag sidaan kor ku xusey, waxaa dhab ah in dalkan ka heli lahaa dakhli daboola baahiyaha qaranka ee aasaasiga ah , bulshaduna waxay heli lahayd adeeg ku filan oo daboola baahiyahooda bulsho
laakiin maanta hantidii baaxadaa lahayd ee qaranka ku filayd waxay ka baxdey faro-madhan dhexdood waxaana u sabab ah musuqmaasuq , maamul xumo iyo dahfurnaan la’aan.
Baabi’inta degaanka iyo barakaca bulshada, Degaanka Fiqi-ayuub wuxuu ahaa dhul xoolo daaqeen ah oo ilaahey ku maneystey dhir iyo tigaadba oo ay ku noolaayeen xoolo nooc kasta oo ay noqdaanba xoola dhaqataduna ku ladneyd. Maantase dhulkii sidaa ahaa waxaa loo rogey lama degaan iyadoo shirkadihii Shiineyska ahaa ogaan ugu shubeen sun kimikaal oo dhalan rag ku sameysey dhulkii oo aan nolol dambe ka suurtoobi doonin mustaqbalka, dadkii dhulkan deganaana laga barakiciyey, halkaasna waxaa ka dhacey masiibo degaan oo aan qorshaha lagu darsan, allow sahal.
Hadaba, dawlada oo madaxweynuhu u horeeyo iyo hay’adaha hanti dhowrka waxaa la gudboon in dabagal lagu sameeyo dakhligii macdanta Fiqi-ayuub iyo buurihii macdanta ahaa ee la rarey meeshey ku
dambeeyeen.
Qore : Salah Bulale Qodah
Fiqiayuub
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!