Xildhibanada Golaha Shacabka oo maanta yeelanaya dood xasaasi ah

0
Sunday June 21, 2020 - 09:15:02 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1204
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibanada Golaha Shacabka oo maanta yeelanaya dood xasaasi ah

    Xildhibaannada ayaa kulanka Maanta waxaa ay uga doodi doonaan hindise sharciyeedka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaannada ayaa kulanka Maanta waxaa ay uga doodi doonaan hindise sharciyeedka




Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Maanta lagu wadaa in maalintii labaad oo xiriir ah ay kulankoodii caadiga ahaa ku yeeshaan Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho.

 

Xildhibaannada ayaa kulanka Maanta waxaa ay uga doodi doonaan hindise sharciyeedka Xeerka xaqiijinta Qoondada haweenka oo doodiisa ay shalay bilaabeen Xildhibaannada Golaha Shacabka.

 

 

Xildhibaan Xasan Cabdi Cismaan (Xasan yare) oo ka tirsan Xildhibaannada ayaa ku eedeeyey Guddiga diyaarinta xeerarka doorashada in kuraas kamid ah Golaha Shacabka ka rareen deegaan doorashadooda.

 

Waxaa uu ka dalbaday Guddoonka Golaha Shacabka in la kala saaro qoondada ay haweenka ku leeyihiin Golaha Shacabka iyo kuraaska ay ragga kaga guuleysteen,hadii aan taasi laga hortegina ay dhibaato keeni karto.

 

Xildhibaannada Haweenka ah ee haatan ku jira Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sabtidii shalay waxaa ay siweyn uga doodeen ajandaha la xiriira xaqiijinta qoondad haweenka ee Baarlamaanka, iyaga oo qaarkood Guddoonka u gudbiyay mooshin ah in Haweenka loo daayo kuraastooda in iyaga kaliya ay ku tartamaan.

 

 


Loading...
Loading...