Buurtii Foolatay, Ma Bakaylaay Dhashay?

0
Sunday June 21, 2020 - 09:14:37 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 840
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Buurtii Foolatay, Ma Bakaylaay Dhashay?

    Qaybtii afraad: Tahriibintii Shirka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qaybtii afraad: Tahriibintii Shirka
 

Nabad akhriste, haddii aad soo akhrisatay qaybtii saddexaad ee qormadan; waxaynnu kaga soo hadlay dedejiintii qabanqaabadii shirka iyo cidda ka danbeysey arrintaasi. Taasi oo ay sabab u ahaayeen labada madaxweyne ee Jabuuti iyo Soomaaliya - mudane Geelle iyo mudane Farmaajo.



Arrimaha ku kallifey Jabuuti in ay sidaasi yeeshana waxaynnu ku soo faaqidney qaybtii saddexaad ee qormadan. Sidaa awgeedna, waxaynnu qaybtan afraad diiradda saari doonnaa waxa Soomaaliya ku kallifey; in ay shirka iyana dhinaceed ka foolerido! Waxaynn odhan karnaa dedejinta shirka iyo in xilligan lagu beegaba - dhinaca Soomaaliya waxa sal u ahaa labadan xaaladood oo soo waajahay:


  • Qodobka koowaad wuxu ahaa mid ay Jabuuti la wadaageysey oo ahayd arrintii loolanka kursiga Golaha ammaan ee Qaramada Midoobey ee ka dhexeeyey Jabuuti iyo Kiiniya. Haddii aynnu milicsanno taariikhda loolanka kursigaasi, wuxu Ururka Midowga Afrika u sharraxay dalka Kiiniya; waxase diidey Jabuuti - iyada oo u hiilinaysa Soomaaliya! Waayo, waynnu ognahay; in ay Soomaaliya iyo Kiiniya isku hayaan arrinta badda oo ay weliba maxkamad isla galeen oo dhawr jeer dawladda Kiiniya codsatay in dib loogu dhigo! Haddaba, Jabuuti waxay dib-u-dhigista dacwadda ee Kiiniya u arkaysey in ay la sugeyso inta ay kursigaasi ku fadhiisanayso si ay Soomaaliya uga guuleysato .. kursigaasi muxuu Kiiniya uga tarayaa xagga dacwaddan???


 Sidaasi awgeed, Jabuuti ku fadhiisiga kursigan laba ujeeddo ayay ka lahayd: tu siyaasaddeed oo xaggeeda ah iyo tu hiil walaal ahayd oo dhinaca Soomaaliya ah. Taasi innaga oo ka duuleyna, waxaynnu odhan karnaa; Soomaaliya iyo Jabuuti way isla ogaayeen, in shirka xilligan lagu beego laguna qabto Jabuuti.


  • Qodobka labaad ee madaxweynaha Soomaaliya iyo dawladdiisu ku dirqiyey tahriibinta shirku, wuxu ahaa muddo xileedkii oo ka dhammaanaya iyo dawlad goboleedyadii oo ay isla ildaran yihiin - ku darsoo mucaaridkiina beryahan wuu ku shiday! Arrimahaasi aynnu soo tilmaanay iyo kuwo kalaba, waxay Farmaajo ku khasbeen; in uu ogolaado, in shirkan degdega ah loo qabto iyaga iyo Somaliland. Isaga oo soomaalida iyo caalamkaba u muujinaya; in uu nin nabadeed yahay dalkiisa iyo dadkiisaba midaynaya!!


Haddii aynnu is nidhaahno madaxweyne Farmaajo xaqiisa siiya, wuxu sameeyey saddex arrimood oo aanay madaxdii ka horraysey ee Soomaaliya samayn jirin; marka ay shirarka Soomaaliya iyo Somaliland tegeyaan!


  1. Wuxu shirka u soo kaxaystay, madaxdii dawladiisa ugu sarraysey iyo guddoomiyhii Golaha shacabka.
  2. Wuxu wafdigiisa ka reebay dhammaanba xubnaha dawladdiisa ku jira ee reer Somaliland oo beryihii hore shirarka dhabqin jirey- reer Somalilandna dareen taban (negative) ah ka qabeen!
  3. Waxa kale oo uu iyagana wafdigiisa ka reebay, xubnaha dawladdiisa ku jira ee reer Somaliland dareenka taban ka qabaan. Sida, wasiirka arrimaha dibada ee Soomaaliya, jaalle Cawad iyo inta la halmaasha.

Waxayse isweydiintu tahay, Soomaaliya wafdigiii wax ka bedeshay ee fikirkeedii wax ma ka bedeshey? Jawaabtu waa miya iyo weli Cadduur dhowdhowdu uma dhacsana!


La soco qaybaha dambe ee qormada oo xiise leh. Waa haddii Eebe innagu simo.


Cabdullaahii Maxamed Cumar

Email: [email protected]
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...