Qaramada Midoobey iyo Madasha Xisbiyada Qaran oo kulan ku yeeshay Muqdisho

0
Sunday June 21, 2020 - 09:11:15 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1111
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qaramada Midoobey iyo Madasha Xisbiyada Qaran oo kulan ku yeeshay Muqdisho

    Xubnaha Madasha ee kulanka la qaatay wakiilka Qaramada Midoobay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xubnaha Madasha ee kulanka la qaatay wakiilka Qaramada Midoobay




Hoggaanka Madasha Xisbiyada Qaran ayaa gelinkii dambe ee shalay kulan gaar ah la qaatay wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya James Swan.

 

Kulankaas dhex maray James Swan iyo hogaanka Madasha ayaa looga hadlay arrimaha doorashooyinka dalka, caqabadaha ku hor gudban iyo kaalinta axsaabta dalka ay ku leeyihiin sidi loo qaban lahaa doorasho waqtigeeda ku qabsoonta, taas oo lagu wada qanacsanyahay.

 

Xubnaha Madasha ee kulanka la qaatay wakiilka Qaramada Midoobay James Swan ayaa kala ah, guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran Shariif Sheekh Axmed, guddoomiyaha Xisbiga UPD, Xasan Sheekh Maxamuud iyo guddoomiyaha Xisbiga Ilays Cabdulqaadir Cosoble Cali.

 

Kulanka ay mas’uuliyiinta la yeesheen James Swan ayaa imaanaya xilli uu isi-sii tarayo walaaca laga qabo inay madaxda hoggaamisa dowladda federaalka ay dalka gaarsiin waayaan doorasho lagu wada qanacsanyahay, iyadoo uu gabaawsi yahay mudo xileedkooda.

 

Madasha Xisbiyada Qaran ayaa war-saxaafadeed ka soo baxay shalay waxa ay uga hadleen arrimaha doorashada dalka, waxay ku sheegeen inay walaac badan ka qabaan sababta ay madaxda dowladdu uga cagajiidayaan qabashada doorasho waqtigeeda ku dhacda oo heshiis lagu yahay, iyagoo baarlamaanka federaalka ka dalbaday in aysan ansixin xeerarkii uu soo gudbiyey guddiga wadajirka ah ee ku saabsan doorashooyinka dalka, si dalku uusan u gelin khalalaase iyo deganaansho la’aan aan la xali karin.


Loading...
Loading...