Gobolka Hawd Oo Ayax Ku Habsaday

0
Sunday June 21, 2020 - 08:53:23 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1113
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gobolka Hawd Oo Ayax Ku Habsaday

    "halkaasi oo ay ka dhalan karto caafimaad daro soo wajahada dadweynaha ku dhaqan deegaankkaasi."

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"halkaasi oo ay ka dhalan karto caafimaad daro soo wajahada dadweynaha ku dhaqan deegaankkaasi."

Bali-cabane (HWN)  Gudoomiyaha degmada Balli-Cabane ee gobolka Hawd Axmed Cabdilaahi Ibraahim ayaa sheegay in deegaannada hoos yimaada degmadaas uu ku habsaday Ayax tiro badani, kaas oo khatar weyn ku haya dalagyadii beeraha iyo nabaadkii dhulka ee xooluhu ay cuni lahaayeen.

 

Gudoomiyaha degmada Balli-Cabane ee gobolka Hawd Axmed Cabdilaahi Ibraahim, oo warbaahinta Qaranka u waramayay ayaa intaa ku daray in badida Ayaxaasi uu dusha kaga dagay deegaanadadaas, islamarkaana uu buux dhaafiyay barkadihii biyaha laga cabayay, halkaasi oo ay ka dhalan karto caafimaad daro soo wajahada dadweynaha ku dhaqan deegaankkaasi.

 

Gudoomiyaha degmada Balli-Cabane ee gobolka Hawd Axmed Cabdilaahi Ibraahim ayaa gabagabdii ka codsaday wasaaradda beeraha ee Somaliland iyo hay’adaha ku shaqada leh in ay la soo gaadhaan waxyaabihii lagula dagaalamayey Aafada Ayaxa si loo badbadiyo dalaga iyo daaqa xoolaha ee daagaankaasi.


Loading...
Loading...