Trump oo taageerayaashiisa fagaare kala hadlay

0
Sunday June 21, 2020 - 06:38:14 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1013
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Trump oo taageerayaashiisa fagaare kala hadlay

    Hargeisa(HWN):-Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa maanta ololihiisa doorashada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeisa(HWN):-Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa maanta ololihiisa doorashada

Hargeisa(HWN):-Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa maanta ololihiisa doorashada dib uga amba-qaadi doona magaalada Tulsa ee gobolka Oklahoma, muddo bilooyin ah, ka dib markii uu waddanka kala xiray cudurka safmarka ah ee COVID-19.



Isku-soobaxa magaalada Tulsa oo la filayo in madaxweynuhu uu kula hadlo ku dhowaad hal milyan oo qof oo ka mid ah taageerayaashiisa, ayay khubarada caafimaadku ka digeen in dadka badan ee kulankan dadweyne ka qeybgalaya ay dowr ka ciyaari karto faafista Coronavirus.

Hase yeeshee, Madaxweynaha ayaa rumeysan in xoojita ololihisa ay kaalin mug leh ka qaadaneyso soo jiidashada cod-bixeyaasha doorashada madaxtinimo ee Mareykanka ka dhaceysa bisha November. Ra’yi aruurinno dadweyne oo dhowaan soo baxay ayaa muujiyey in musharraxa xisbiga Dimoqraadiga uu ka horreeyo madaxweyne Trump.

Dadka siyaasaddiisa dhaliila ayaa ku eedeeyay in maamulka Trump uusan sidii la rabay u maareyn dagaalka cudurka Covid-19 iyo dhex-dhexaadnimada rabshadaha ku saleysan cunsuriyadda ee Mareykanka.

Xigasho:-VOA-Somali


Loading...
Loading...