Shanta Qodob Ee Kasoo Baxay Shirkii Djabouti Waa Kafantii Heeshiinlaaanta 2da Dhinac.
Shirkani waa shir weyn oo waxyaalo badan kaga duwanaa shirarkii hore ee ay u Kulmeen SOMALILAND iyo SOMALIA. Shirkani waxuu qayb ka yahay isbedelka geeska ka socda ee uu hogaanka ka yahay Abi Ahmed iyo beesha Caalamka oo uu markaan si toosa u hogaaminayo Maraykanku oo mid walba ay ka goan tahay danaha waaweyn ee kaga xidhan oonay sinaba uga hadhayn. SOMALIA iyo Ethiopia iyo beesha caalamka waxay isla qaateen in SOMALILAND aanay ka go i karin SOMALIA ee Wadan qudha ahaanayaan. Isbedelka Geeska ka socdaa waa mid aad u xoogweyn oo isbedel badan ka soo sameeyey Ethiopia dhexdeeda Eritrea iyo Ethiopia SOMALIA ay wax badan oo kale soo kala saxeexdeen oo maanta Soo gaadhay Waqtigii SOMALILAND runta farta loo Saari lahaa.
MUSE BIIXI AMAR BAA FARMAAJO LAGULA KULANSIIYE WAANA LOO SHEEGAY SIDAY WAX U SOCDAAN WAXA ISAGA LOO OGOLYEY NA WAA LOO SHEEGAY. waxaa la ogyey shacabka SOMALILAND waxay u qaybsanyihiin laba Xusbi iyadoo la dhawrayo in aan Kacdoon dhicin oo hubka meesha yaal aanuu dhibaato hor leh iyo burbur keenin ayaa Muse Biixi iyo Cabdirahman Cirro ba lala socodsiiyey sida dib u heshiisiinta loo daadihinayo. Waxan oo dhami ballan bay ku socdeen iyadoo Shacabka Reer SOMALILAND la masaajaynayo oo inay gartooda sheegteen adduunka la tusayo SOMALIA waxaa lagu soo yidhi idinku wax dooda ha keenina. SOMALILAND waxaa loo sii sheegay Goosasho kuma jirto meesha ee ka hadla wax wada lahaanshaha iyo in la idiinsoo daayo wixii lacaga ee SOMALIA idinkaga xaniban shirkana sidii loogu talagalay buu u socdaa in aan wareegtada hore wax lagu heshiin oo qodobo la isku diiday baa habsocodka ka mid ahayd si gawracu reer SOMALILAND aanuu ugu xannuun badan.
Shantan qodob ee shirka ka soo baxay WAA KAFANTII LA DULSAARAY GOOSASHADII SOMALILAND OO HALKAA KU DHIMATAY OO LOOGU BEDELAY INAY XUKUUMADDA MUSE KA HADASHO ADDUUN EENAY GOOSASHO KA HADAL.
Hogaanka Kulmiye sheekadan iyo SHIRKAN iyo qasabkan iyo amarkan SOMALILAND la siinayo wey sii ogaayeen waxaana ka markhaatiya Xisbiga Xamar ay ka fourteen, kooxaha fannaaniinta at iska horaysiiteen iyo hoggaan dhaqameedka ka hadlay inaanay Somaliyi meel kala tegayn IYO MAR KALE IYO MIDNIMO KA WAR HESHAY XOGOGOGAALNA AHAYD.
dareen jiray buu ahaa in SHIRKAN Djabouti iyo Kuwa kaleba soo Socdaan.
Waxan ay ina Leeyihiin weftigii SOMALILAND Ka socday baa shirkii ka baxay kama bixi karaan ee Muse ayaa u tusaya shacabka SOMALILAND inay dood adag galeen Waa Masraxiyadda Qayb Ka Mida Iyo Show Ga Loogu Talagalay Shacabka Reer Somaliland.
Dabaal Degga Shacabka Badh U Dabaaldegayey Meel Aan Guuli Jirin Waa Lasoo Ururiyey Dadka Ee Wax Qalbigooda Ka Yimi May Ahay.
Shacabka Darafyada Ee Mudaharaadayey Mudaharaad Kamay Ahayne Waxay Ay Khilaafa Lahaayeen Waxa Jeegaantu U Dabaaldegayso Oo Wax Jira Ahaynba.
Waxaan Ku Soo Gebaba Gebaynayaa Isbedelka Uu Wado Abi Ahmed Somali Oo Dhan Waa U Dan Ee Waa In Aan La Carqaladayn Haddii Kale Axmaaradii Iyo Tegraygii Baa Idiin Soo Noqon.
M Bashe
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!