Siyaasada Iyo Soomaalida. W/Q: Cabdirisaaq Darwiish.

0
Saturday June 20, 2020 - 21:58:59 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1362
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Siyaasada Iyo Soomaalida. W/Q: Cabdirisaaq Darwiish.

    Saynisyahanadu waxay darsadaan cudur sababaha (Disease causing)

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Saynisyahanadu waxay darsadaan cudur sababaha (Disease causing)

-Rag siyaasi wada noqoy

-Wada furay silsiladaha

-Hadba Taanu Suurayn

-Yidhi anigu aan saxo.

 

Siyaasadu waxay kamid tahay waxyaabaha dhawaan soogalka ku ah degaankeeda soomaalida  kaas oo lagu tilmaami karo in maqalka siyaasad ay soomaali ugu horeysay kuna sidkanaa Soo degitaankii Gumaystaha dalweynaha soomaliyeed Ee geeska africa.

 

Ilaa hada siyaasadu waxay kamid tahay meelaha aanay umada somaliyeed faham buuxa ka haysan xataa kuwa siyaasiyiinta ah ee ku dhexjira Amaba ay ummadu xilka u igmatay.

 

Siyaasadu waa cilmi kamid ah culuumta barashada u baahan ee jaamacadaha lagu darso. Waynu baranaynaa siyaasada sida saynisyahanku ama diktoorku uu u barto bacteria( jeermis illi ma aragtay ah oo xanuun sababa) sidaa waxa yidhi qoraha buuga barashada siyaasada (political science) mr. Roskin cord.

 

Waxa suurogal ah in dad badani aanay fahamsanayn siyaasadu waxay tahay haka cadhoonin faham daradaa halkaa kaa haysata laakiin isku dey inaad fahamto sidee iyo sababta ay wax u dhacayaan?.

 

Marka siyaasad laga hadlo waxa kugu kusoo dhaca waa dawlad iyo doorashooyin, haa labadooduba waxay kamid yihiin siyaasada hayeeshee siyaasadu waxay ka dhacdaa meelo intaa ka badan.

 

Siyaasadu way ka dhici kartaa shaqadaada, qoyskaaga dhexdiisa, iyo mararka qaar ardayda aad fasal wadaagta tihiin.  Hadaba si aad u fahanto siyaasadu waxay tahay waxa lagu qeexi karaa: "Tartan furan oo u dhexeeya kooxaha dadka si ay u qaabeeyaan oo u billaan waxa ay jecelyihiin si ay u ilaaliyaan una qaabeeyaan waxa ay rumaysan yihiin iyo Qiimaha bulsho weyntooda."

 

Siyaasad kasta waxa ay leedahay mabaadi u gaar ah(political ideologies) kuwaas oo u jeedada ugu weyn ee looga dan-leeyahayna ay tahay qorshayaal lagu horumarinaayo bulshada (Plans to improve society).

 

Dalalka dunida ka jiraa waa ku kala duwan yihiin mabda' ahaan waxa ay rumaysan yihiin iyo hadba sida ay bulshadooda u horumarinayaan, qolo waxay aaminsan yihiin shuuciyada(communism) halka kuwa kale aaminsan yihiin dimuqraadiyada, sidoo kale kuwa kale aaminsanyihiin islaamnimada( Islamism)

halka kuwo kale aaminsan yihiin Nationalis oo ah( kuwo u ololeeya ama taageera madaxbanaani siyaasadeed oo qaran gaar ahi uu helo ama dad gaar ah).

-Liberalism:iyaguna waa  kuwo u dooda xornimada dad ahaaneed ee ay  maamul iyo sinaan ku helayaan.

- Feminism: waa kuwo aaminsan oo u ololeeya xuquuqda haweenka iyo sinaanta Raga iyo Dumarka.

 

Siyaasada waa la baran karaa waxaana jira qaabab kala duwan oo loo darso kasmana looga korodhsado, habkaas loo barto ayaa lagu magcaabaa (Political science).

Tabobar aad heshay kuma noqon kartid siyaasi Taabogal ah, kasmada iyo barashada siyaasadu waxay tahay Tabobar aad si deganaan ku jirto aad u qaadatid, Falkinta iyo dareerinta iyo kala dhig-dhigida u  jeedooyinka siyaasadeed ee aad aaminsan tahay kuwaas oo Kaaliya ama aan kaalin Shaqada Siyaasiga.

 

 

Saynisyahanadu waxay darsadaan cudur sababaha (Disease causing) iyagoo ku baadhaya waynayso (micro-scope), saynisyahanadu ma jecla Jeermiska hayeeshee waxay daneeyaan una xiiso qabaan oo ogaadaan sida jeermisku u koro, Qaabka uu dhibka u geysto, iyo sidoo kale qaabkii loo cidhib tiri lahaa loona idlayn lahaa. Siyaasaduna waxay lamid yahay sida saynisyahankaa oo kale.

 

Siyaasadu waxay daristaa mabaadi'da Ay rumaysan yihiin bulshadu, waxay u xiiso qabaan sidii ay u horumarin lahaayeen fahamkooda,  iyo Aragtidooda sidoo kale waxay ka fekeraan sidii ay horumarin lahayeen  jiritaanka Aadmiga. 

 

[email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...