Farxad ku Dhimasho Amakaag leh! Jamaal Ibraahin

0
Saturday June 20, 2020 - 17:53:38 in Articles by
  • Visits: 978
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Farxad ku Dhimasho Amakaag leh! Jamaal Ibraahin

    Farxad ku Dhimasho Amakaag leh! Jamaal Ibraahin

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Farxad ku Dhimasho Amakaag leh! Jamaal Ibraahin

Fannaan Itoobiyaan ah ayaa u geeriyooday xabbad wiifto/Jeeraaro ah oo loo riday dabbaaldegga Huteel cusub oo laga dhisay magaalada Ashufe oo ku taalla degaanka Oromada ee dalkaasi Itoobiya.

Maqaal: Dal iyo Dowladda Jirta Dal laguma Tilmaamo Haduusan Sharci ...


Mid ka mid ah saaxibbada fannaanka geeriyooday oo lagu magacaabo Tufa Wadajo ayaa warbaahinta u sheegay fannaanka Dadhi Gelan inuu ka heesayey xaflad lagu furayey Huteel cusub.


Dadhi wuxuu caan ku ahaa heesaha waddaniga ah oo uu ku gubaabinayey qowmiyadda Oromada iney xaqa ka maqan raadsadaan.


Deeganka Oromada ayaa waxaa dhaqan ka ah xilliyada farxadda iyo murugadaba in rasaas cirka loo rido.Xilliga ay fannaanka xabadda wiifta ah ku dhaceysayna wuxuu dhammeystiray heesihi uu masraxaasi ku soo bandhigayay.


Dadkii xafladdaasi goob joogga ka ahaa ayaa dhacdadaasi kaddib waxay ka carareen goobtii ay xafladda ka socotay.


Mr Wadajo waxaa kale oo uu sheegay in hees kasta oo uu fannaanka masraxa ka qaado loo ridayey ugu yaraan 50 ilaa 60 rasaas noonool ah, wuxuuna fannaanka marar badan cod dheer ku lahaa xabadaha aad rideysaan iga ilaaliya".


Fannaanka sida kediska ah ku geeriyooday waxuu caan ku ahaa heesaha uu ku qaado afka Oromada wuxuuna sidoo kale qoray shan buug oo uu kaga hadlayo qowmiyadda uu ka soo jeedo.Ila wareedyadu waxaa kale oo ay shegayaan in xabadda fannaanka ku dhacday ee sababtay inuu u geeriyooda laga soo riday qori ay dowladdu lahayd.


Horraantii bishan bam gacmeed ku qarxay xflad aroos waxaa ku geeriyooday nin caruus ahaa iyo manxiiskiisa, xilli ay socotay xafladda arooska. Itoobiya oo ay in muddo ah ka socdeen kacdoonno looga soo horjeeday dowladdi hore ee kelitalisnimada ku dhisneyd ayaa sababtay inuu Dr Abiy Axmed noqdo Ra'iisal wasaarihi ugu horreeyey oo qowmiyadda Oromada ka soo jeeda.


Oromada oo ah qowmiyadda ugu badan dalka Itoobiya ayaa in mudda ahba ka cabaneysay in siyasadda iyo dhaqaalaha dalka lagu gacan bidixeeyey.



W/Q: Jamaal Ibraahin Dasuuqi


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...