Madaxweyne ku-xigeenkii Hore Ee Somaliland Oo ka Hadlay Wada-hadalladii Somaliland Iyo Soomaaliya

0
Saturday June 20, 2020 - 16:33:40 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1833
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne ku-xigeenkii Hore Ee Somaliland Oo ka Hadlay Wada-hadalladii Somaliland Iyo Soomaaliya

    Madaxweyne ku-xigeenkii Hore Ee Somaliland Oo ka Hadlay Wada-hadalladii Somaliland Iyo Soomaaliya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne ku-xigeenkii Hore Ee Somaliland Oo ka Hadlay Wada-hadalladii Somaliland Iyo Soomaaliya

Hargeysa(HWN):-Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa ka dayriyay Xaaladda mustaqbal ee Somaliland iyo Soomaaliya, kadib markii uu sheegay in Soomaaliya ay liqi kari wayday Aftiddii shacabka Somaliland ay ku go'aamiyeen madax-banaanidda Somaliland.

Axmed Yuusuf Yaasiin Oo U Jawaabay Xoghayihii UDUB - Sayruuq News


Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin waxa uu sheegay in gooni isu-taaga Somaliland uu ku salaysan yahay go'aan shacab oo ku tilmaamay lama dhaafaan, waxaannu sidaas ku sheegay waraysi uu siiyay telefishanka CBA TV.

"Maaddaama ay liqi waayeen Aftiddii shacab ee la qabtay bishii May 2001-dii ee Distoorka Somaliland lagu ansixiyay, waanna Qoddobka labaad ee lama dhaafaanka ah, waxaannu ku noqonnayaa gacanta shacabka Somaliland, Illaahay innooma keennee waxa dhici karra dagaal uu dhiig badani ku daato, haddii aannay Soomaaliya damaceedda iska ilaabin." Ayuu yidhi Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Somaliland.

Axmed Yuusuf Yaasiin waxa uu boggaadiyay Weftigii uu hoggaaminnaayay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ee wada-hadallada kaga qayb-galay dalka Djibouti, waxaannu sheegay inaanay marnaba suurto-gal noqonayn in Calanka tawxiidka leh ee Somaliland la dejiyo xitaa haddii waxkastaa dhacayaan.

"Shacabka Somaliland waxaan leeyahay Qaddiyadiina is garab taaga, waxkastaanna waxay ku noqonnayaan gacanta shacabka, waanan Boggaadinayaa Weftigii uu hoggaaminnaayay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ee wada-hadallada kaga qayb-galay dalka Djibouti. Soomaaliya waxaan u sheegayaa waxaannu qaaddanay Calanka tawxiidka leh oo aan Calan kalenna hoos tagayn, haddii waxkastaa dhacaanna aan la dejinayn ee taas ku biyo-cabba" Ayuu yidhi Axmed Yuusuf Yaasiin

Hadhwanaagnews,Office
Hargeisa,Somaliland


Loading...
Loading...