Fadeexad Ka Taagan Meherad Ganacsiyeed Lagu Gubay Magaaladda Burco Iyo Dooda Ay Qabto Mulkiiluhu

0
Saturday June 20, 2020 - 15:55:28 in News by
  • Visits: 3253
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Fadeexad Ka Taagan Meherad Ganacsiyeed Lagu Gubay Magaaladda Burco Iyo Dooda Ay Qabto Mulkiiluhu

    Fadeexad Ka Taagan Meherad Ganacsiyeed Lagu Gubay Magaaladda Burco Iyo Dooda Ay Qabto Mulkiiluhu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Fadeexad Ka Taagan Meherad Ganacsiyeed Lagu Gubay Magaaladda Burco Iyo Dooda Ay Qabto Mulkiiluhu


Hargeysa(HWN):-Shacabka Magaalada Burco iyo guud ahaan reer Somaliland waxa ay walaac weyn ka muujiyeen hab-dhaqan ugub ku ah ganacsiga iyo mulkiyadda shacabka Somaliland kadib markii Magaalada Burco laga soo weriyay in lagu gubay Meherad Ganacsi sida ay sheegeen mulkiilayaasha Meheradduna ay tuhmayaan in dabka si u kas ah loogu gubay balse ay ka war sugayaan ciidamada Dambi Baadhista Somaliland, gaar ahaan Gobolka Togdheer oo baadhitaan ku wada sida xaaladdani u dhacday. Meheraddaasi oo lagu magacaabo Warsan Ethiopian Restaurant, waxa ay ku taallaa Badhtamaha Magaalada Burco taasi oo keentay hadal hayntii ugu badnayd saacadihii la soo dhaafay ee ay dadku wax iska waydiinayeen.

Burco-Mulkiilaha Meheraada Warsan Oo Sheegtay in La Gubay ...


Markii uu haddaba uu soo baxay warka sheegaya in la tuhunsan yahay in Magaalada Burco dab lagu qabadsiiyay Meheradda Warsan waxa arrintaasi xaqiijisay oo ka hadashay Mulkiilaha Maqaaxidaasi oo lagu magacaabo Warsan Maxamed Cige oo sheegtay in dabka soo gaadhay Meheradeeda Ganacsi uu ahaa dab dibadda laga keenay oo ay tuhunsan yihiin in loola badheedhay balse aanay ka hor dhacayn baadhitaanka ay wadaan ciidamada ammaanku.


Qoraal ay arrintan ka soo saartay Warsan Maxamed Cige waxa ay ku qodobaysay xaaladdu sida ay u dhacday waxaanay tidhi: "Assalaamu Calaykum dhamaanba bahwaynta Sooomaaliyeed waxaan raba in aan idinla wadago dhacdadii ka dhacaday gobolka Togdheer gaar ahaan Huteelkaygii Warsan Ethiopian Restaurants. Waxan aan ka rawaxay oo albaabada u xidhnay 12:00kii Habeenimo iyada oon dhamanba wax dabi ka shidnayn gudaha meheradda. Waxa laygu soo war galiyay Saacad iyo badh kadib in ay Gubanayso Meheradaydii. Waxa aan gaadhay goobta oo gubanaysa. Waxa ku sugnaa damdamiska iyo dad tiro badan oo ka qayb qaadanayay bakhtiinta Meheradda.

Cuntada waxa lagu kariyaa shoolad. laydhka meheradda waxa uu uu ku jira gudaha meheradda. Qaybta hore waxa dabka gaadhsiiya qaybiso ama fiishta xadhiga loo daadiyo. Waxaana la laabaa marka meheradda la rawixiyo.


Sifada Dabka:


Waxa muuqata in dabka meheradda gaadhay laga keenay dibadda meheradda, lagana bilaabay xagga dambe ee meheradda marka aanu aragnay sifooyinka dabku u gaadhay meesha arrinta baadhisteeda waxa gacanta ku haya ciidanka dambi baadhista Somaliland ee CID ee gobolka Togdheer, wixii ka soo baxa waynu sugaynaa kamana hordhacayno. Waxaan U Mahed Celinayaa Cidda wargalisay ciidanka dab-damiska, Ciidanka CID-da, Ciidanka Booliska iyo Dhallinyarada Oo Marwalba Garabkayga Taagan.


Dhinaca kale Siyaasi Maxamed Siddiiq Dhamme oo ka mid ah siyaasiyiinta Xisbiga Mucaaaridka ah ee WADDANI horena u ahaa guddoomiyaha garabka dhallinyarada ee Xisbigaasi ee Heer Qaran ayaa waxa uu falkan ku tilmaamay mid aan la aqbali karain isaga oo sheegay in isaga oo aan baadhista ka hor dhacayn haddana in loo baahan yahay in falkaasi aad loo hubsado. "Meheradda Warsan ee magaalada Burco lagu gubay waa fal aan ku habboonayn ganacsiga iyo dawladnimada hagaagsan, waan ka xumahay walaal Warsan, khasaaraha kusoo gaadhay cawad khayr qaba Alle ha kuugu beddelo. Anigoon baadhida ka hor dhacayn waxaan usoo jeedinayaa laamaha amaanka in tallaabo laga qaado sheekha booriyay danbigaa ee ummadda ugu baaqay in lagu farxo dhacdadaa foosha xun ee soo gaadhay muwaadinada” ayuu yidhi Maxamed Siddiiq Dhamme.


Si kastaba ha ahaatee dad badan oo falkan kaga dareen celiyay baraha Bulshada ayaa xukuumadda Somaliland gaar ahaan ciidamada ammaanka ugu baaqay in ay degdeg uga hawl galaan war cadna umadda ka siiyaan sida falkaasi u dhacay.

Loading...
Loading...