Mooshin Kursiga Lagaga Tuurayo Gudoomiyaha Aqalka Sare Ee Soomaaliya Oo Meel Adag Maraya

0
Saturday June 20, 2020 - 15:50:45 in News by
  • Visits: 2671
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mooshin Kursiga Lagaga Tuurayo Gudoomiyaha Aqalka Sare Ee Soomaaliya Oo Meel Adag Maraya

    Mooshin Kursiga Lagaga Tuurayo Gudoomiyaha Aqalka Sare Ee Soomaaliya Oo Meel Adag Maraya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mooshin Kursiga Lagaga Tuurayo Gudoomiyaha Aqalka Sare Ee Soomaaliya Oo Meel Adag Maraya


Muqdisho(HWN):-Xaaladda Mooshinkii lagu waday in laga keeno Guddoomiyaha Aqalka Saree e Baarlamanka Dawladda Muqdisho ee Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdillaahi ayaa si weyn looga dareemayaa Magaalada Muqdisho iyada oo ay si gaar ah arrintan u hadal hayaan siyaasiyiinta iyo dadka kale ee ku nool magaalada Muqdisho gaar ahaan kuwa ka soo jeeda Somaliland maadaama uu Siyaasi Xaashi ka soo jeedo Somaliland.

Cabdi Xaashi Oo Sheegay In La Xaliyay Khilaafkii M/gobaledyada ...


Magaalada Muqdisho waxa haddaba ka socda abaabulka isku day mooshin oo ka dhan ah guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi, kaasi oo la xaqiijiyay in ay xagga ka rixiayso Dawladda Villa Soomaaliya.


Xukuumadda Nabad iyo Nolol ee Villa Somalia ayaa ka cadhootay markii uu guddoomiyaha Aqalka Sare iclaamiyey shir dhex-mara dowladda Soomaaliya iyo maamul gobaleedyada dalka, inkasta oo madaxtooyada Farmaajo ay markii dambe ogolaatay shirkaas, kadib cadaadis kaga yimid beesha caalamka gaar ahaan dawladda Maraykanka.


Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaadhaya Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Qorshaha mooshinka looga keenayo Cabdi Xaashi uu wajahayo caqabado dhowr ah oo aad u adkeynaya in lagu guuleysto, kuwaasi oo durba la dareemayo.


Caqabadda koowaad ayaa ah sidii lagu heli lahaa taageerada senatoro ku filan oo diyaar u ah inay mooshinka qeyb ka noqdaan, iyada oo la rumeysan yahay in saameynta Villa Somalia ee Aqalka Sare ay aad u yar tahay marka loo eego tan golaha shacabka oo ah golaha hoose.


Caqabadda labaad, ayaa ah in xitaa haddii ay dhacdo in la helo taageerada loo baahan yahay, aanay cid qabata mooshinka oo guddoomisaa jirayn, maadaama Cabdi Xaashi aanu qabaneyn mooshin isaga xilka lagaga qaadayo. Haddii Cabdi Xaashi aanu qabaneyn, waxaa waajibkaasi uu ku dhacayaa guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Aqalka Sare Abshir Bukhaari, oo Villa Somalia aan la is-tusin aadna ay isaga soo hor jeedaan. Abshir ayaa ka mid ah siyaasiyiinta sida weyn u diiddan siyaasadda kooxda Nabad iyo Nolo lee fadhida Villa Somalia.


Maamulka Villa Somalia ayaa waxaa ku xidhan guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Aqalka Sare Mowliid Guhaad, hase yeeshee ayada oo uu joogo Abshir Bukhaari ma qaadi karo wax tallaabo ah, haddii uu qaadana waxa noqonaysa sharci-darro. Caqabadda ugu dambeysa ayaa ah beesha caalamka, oo aan ogolaanayn in xilligan kala guurka ah ee muddo xileedka dowladda ka hadhsan yahay bilo la galo qalaalse siyaasadeed. Waxaa sidoo kale Cabdi Xaashi loo arkaa sharci-dejiyey oday ah oo xal doonaya, maadaama guddoonka Golaha Shacabka ay noqdeen kuwa laga maamulo Villa Somalia. Haddaba su’aasha ayaa ah, Maxay iyada oo ay jiraan dhowr caqabad oo diiday in xilka laga qaado Cabdi Xaashi, ay haddana Villa Somalia u waddaa isku day mooshin? Senator-ada ayaa rumeysan inay tahay cabsi gelin iyo hanjabaad Cabdi Xaashi loogu sheegayo inuu kusoo darsamo xubnaha laga maamulo madaxtooyada ama u janjeedha siday rabaan.

 

Loading...
Loading...