Sawiro:-Dowladda hoose ee dagmada Gaalkacyo oo bilaabay dhismaha waddadii labaad oo Laami ah

0
Saturday June 20, 2020 - 11:01:03 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1341
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sawiro:-Dowladda hoose ee dagmada Gaalkacyo oo bilaabay dhismaha waddadii labaad oo Laami ah

    Mashruucan bilowga ah ee lagu dhisaayo wadadii labaad oo Laami ah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mashruucan bilowga ah ee lagu dhisaayo wadadii labaad oo Laami ah




Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug ayaa laga bilaabay dhismaha wadadii labaad oo Laami ah, taas oo qeyb ka ah Mashaariicda wadaaga ah ee xoojinta nabad galyada iyo is dhaxgalka Bulshada magaalada Gaalkacyo

 

Mashruucan bilowga ah ee lagu dhisaayo wadadii labaad oo Laami ah ayaa waxaa ka qeyb galay masuuliyiinta maamulka dagmada Gaalkacyo iyo xubno matalayay Bulshada magaalada ku dhaqan.

 

Guddoomiye ku xigeenka dagmada Gaalkacyo C/raxmaan Maxamed Axmed oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dhismaha wadadaan ay qeyb ka tahay mahsaariicda lagu xoojinayo nabad galyada magaalada, Isla markaana ay si wadajir ah u fulinayaan maamulada dowladda hoose ee Gaalkacyo ee Galmudug iyo Puntland oo gacan ka helaya Hay’adda SSF.

 

Guddoomiye ku xigeenka ayaa sidoo kale xusay in dhimaha wadadaan ay wax weyn ka badali doonto bilicda iyo ganacsiga ka jira magaalada Gaalkacyo.







Loading...
Loading...