Dowlada oo hirgelisay xarunta ka digista halis-wadareedyada iyo musiibooyinka

0
Saturday June 20, 2020 - 10:34:40 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 831
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowlada oo hirgelisay xarunta ka digista halis-wadareedyada iyo musiibooyinka

    Diyaarinta iyo hirgalinta xarunta kaliya kuma saabsana adeeg cusub

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Diyaarinta iyo hirgalinta xarunta kaliya kuma saabsana adeeg cusub



Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Soomaaliya Xamsa Saciid Xamsa ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya diyaarisay hab- dhismeedka xarunta, shaqaalaha ka howl-gali lahaa iyo khubaro tababarro joogta ah siiya shaqaalaha xarunta.

 

Wasiir Xamsa waxa uu sheegay in xogta la xiriirta dhammaan halis-wadareedka oo ay horay u bixin jireen hey’ado iyo ururro aan dowli ahayn ay hadda wixi ka dambeeya laga heli doono xarunta qaran ee ka digista halis wadareedka.

 

"Diyaarinta iyo hirgalinta xarunta kaliya kuma saabsana adeeg cusub oo la helay, hase yeeshee waxey tallaabo loo qaaday xoojinta madaxbannaanida iyo qarannimada Soomaaliy. Annaga oo adeegsaneyna xaruntaan, waxaan awood u yeelan doonnaa in innaga gacanta ku heyno xogto cimilada iyo macluumaadka la xiriiro ee dalka.” Ayuu yiri Xamsa .

 

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu sheegay in Sameynta xaruntan ay ka mid tahay guulaha sii xoojinaya madax bannaanida Soomaaliya si la mid ah soo celinta maamulka hawada Soomaaliya oo muddo dheer ka dib ku soo noqotay gacanta dowladda Soomaaliya.

 

Sadaasha iyo la socodka halis wadareedka ayaa xaruntan ka hor bixinayay hay’ado raacsan Qaramada Midoobey.waxaana la rajeynayaa in ay ka mid noqoto mashaariicda la dhammaystiray ee dhawaan ay xariga ka jiri doonto xukuumadda Soomaaliya.

 

Sidoo kale wasiirka warfaafinta Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo ka mid ahaa masuuliyiin booqday xaruntan cusub ayaa bogaadiyay arrintan, isaga oo ku tilaamay in ay tani ka mid tahay guulaha ay gaartay dawlada Soomaaliya.


Loading...
Loading...