Mudaharaado Ka Taagan Muqdisho Iyo Maamulka Gobolka Oo Codsi Beerlaxawsi Ah U Diray Dibadbaxayaasha

0
Saturday April 13, 2019 - 18:34:37 in News by
  • Visits: 2260
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mudaharaado Ka Taagan Muqdisho Iyo Maamulka Gobolka Oo Codsi Beerlaxawsi Ah U Diray Dibadbaxayaasha

    Mudaharaado Ka Taagan Muqdisho Iyo Maamulka Gobolka Oo Codsi Beerlaxawsi Ah U Diray Dibadbaxayaasha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mudaharaado Ka Taagan Muqdisho Iyo Maamulka Gobolka Oo Codsi Beerlaxawsi Ah U Diray Dibadbaxayaasha


Muqdisho(HWN):-Maamulka gobolka Banaadir ayaa ka hadlay mudaharaado xoogan oo ka socda magaalada Muqdisho ee caasimada soomaaliya.


Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cismaan(Eng Yariisow) iyo taliska ciidamada booliska ee soomaaliya Gen Bashiir Cabdi Maxamed ayaa ka hadlay dibad baxyada ay shigayaan shacabku iyaga oo ku baaqaya inay isdajiyaan dadweynaha mudaharaadka samaynayaa.




Gudoomiye Yariisow ayaa dadweynaha u sheegay in si deg deg ah sharciga loo horkeenayo askarigii dilay labada marxuun ee shacabka ah waxaanu yidhi "Shacabku nidaamka ha ilaaliyaan, si nabad galyo ahna dareenkooda haku soo bandhigaan dalka iyaga ayaa leh ee ha joojiyaan dhibaatada iyo taayarada ay ku gubayaan wadooyinka.”


Sidoo kale gudoomiye Yariisow ayaa tacsi u diray ehelada ay ka baxeen labada marxuun ee askarigu saaka toogtay, waxaanu balanqaaday in maxkamad la soo taagayo askarigii dilka gaystay ee ka tirsanaa ciidamada dawlada.


Dhinaca kale taliyaha ciidamada booliska soomaaliya Gen Bashiir Cabdi Maxamed ayaa ku baaqay in amaanka la dhawro, isaga oo shacabka mudaharaadaya ugu baaqay inay si deganaan ah u soo bandhigaan dareenkoosa, isaga oo cadeeyey in sharciga lala tiigsanayo askarigii dilka gaystay ee ka tirsan ciidamada booliska.


Sidoo kale dadweynaha mudaharaadka samaynaya ayaa rabshado kala hortagay qaar ka mid ah masuuliyiinta gobolka Banaadir, iyaga oo si weyn ugu dhawaaqaya inay is casilaan masuuliyiinta ugu saraysa dawlada federaalka ah ee soomaaliya.


Shacabka ayaa ku doodaya in dawladu ay ku guuldaraysatay inay ilaaliso amaanka dadka shacabka ah isla markaana ay dayacday masuuliyadii ka saarnayd dadka muwaadiniinta ah amaankooda iyo ilaalinta noloshooda.


Hadhwanaagnews.com/Muqdisho

Soomaaliya
Loading...
Loading...