Nidaamyada Maaliyadeed Ee Waddamada Aan La Aqoonsanayn: Si Gaar Ah Somaliland. Qaybta Labaad

0
Saturday June 20, 2020 - 09:26:01 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1246
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nidaamyada Maaliyadeed Ee Waddamada Aan La Aqoonsanayn: Si Gaar Ah Somaliland. Qaybta Labaad

    By: Muuse Cabdi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

By: Muuse Cabdi.                                 

Markii ugu horaysay ee shilinka Somaliland soo baxay oo ahayd sannadkii 1994kii daabacadiisana uu lahaa bangiga dhexe ee dawladda ayaa dajiyay sarifka lacagta doolarka maraykanka iyo shilinka Somaliland inuu noqdo sidan $1=50 shilinka lacagta Somaliland ah. Waxa laga yaabaa inaad aad ula yaabtid sida $1 uu u leekaaday Slsh 50, maanta kumaba jiro lacagta Somaliland wax 50 shilin ahi, balse waagaas lacagtu sidaas ayay qiimaha u lahayd. Hadda tusaale ahaan wakhti xaadirkan lacagta Ethiopia ee birr ta la yidhaahdo iyo doolarka maraykanka marka la isku badalayo waa sidan $1=29 birr.



Balse sannadba sannadka ka danbeeyay lacagta Somaliland qiimaheedu hoos ayuu u dhacayey ilaa uu gaadhay in $1 uu leekaado 10,000 oo shilinka Somaliland ah, balse wakhtigan bangiga dhexe oo talaabooyin qaaday waxa lagusoo fadhiisiyay in $1 lagu sarifo 8,500 Slsh.


Waxyaabaha loo aanaynayo inuu shilinka Somaliland uu sidan oo dhan uqiimo beelo waxaan kusoo ururinaynaa qodobadan;

·      Lacagta Somaliland oo aan lahayn qadaadiic (coins) sida 1, 5, 10 shilin. Taas badalkeedana lacagta Somaliland uu ugu yar yahay 500 oo shilin, tanina waxay keenaysaa qiimo dhac lacagta ah iyo waliba sicir-barar oo alaabihii 1 shilin lagu iibsan lahaa 500 oo shilin ayuun baa goyn karta.

·      Dawladda dhexe oo daabacda lacag xadigeedu badan yahay, amaba lacag aanu xoogaga suuqu jaan goynin.

·      Bangiga dhexe oo aan lahayn awood uu ku maamulo sarifka lacagaha, taas badalkeedana shaqadiisa waxa qabta Sarif-layaal iyo ganacsato iskaashaday kuwaas oo kaliya siday u arkaan inay anfacayso ganacsigooda ku sarifa.

·      Dadka Somaliland oo badankoodu ku kalsoon lacagta doolarka in ka badan shilinka dalka, waxaanad arkaysaa mushaharaadka la siiyo shaqaalaha kala duwan ee dawladda oo musharaadkooda u badalanaya lacagta doolarka isla marka ay goobta shaqada kala baxaan.

·      Lacagta adag ee doolarka waddanka soo gasha oo ka yar lacagta doolarka ee waddanka ka baxda. tusaale ahaan Somaliland lacagta doolarka ee ugu badani waxay kasoo gashaa dhoofinta xoolaha iyo lacagta xawaaladaha, balse agabka guud ee waddanka lagu isticmaalo waa kuwo dibadda kasoo dega kuwaas oo waddanka ka saaraya lacag badan oo doolar ah.

·      Aqoonsi la;aanta Somaliland oo keentay in aanay helin daymo ama mucaawinaado badan kuwaas oo waddanka soo galin lahaa doolar.


Aad ayay ubadan yihiin sababaha keena in sarifka lacagta waddanka iyo lacagaha qalaad ay aad usareeyaan, balse intaas ayaan ka xusi karnaa maadaama aanu mawduucu ku saabsanayn sababaha keena qiimo dhaca lacagta Somaliland marka loo eego lacagaha qalaad. Balse xalka dhibaatooyinka maaliyadeed ee waddanka kajira wuxuu noqonayaa in la xaliyo dhibaatooyinkaas aan kor ku xusay.


Caqabadaha kale ee maaliyadeed ee Somaliland haysta waxaa kamid ah nidaamyada bangi ee waddanka kajira oo aan wali xoogaysanin tanina waxay keenaysaa in ganacsiyo ama maalgalino dibadeed ay jiri waayaan, ganacsatada cusub ee suuqa soo galaysaana badanka iyaga ayaa is maalgaliya amaba qaraabadooda ayay kasoo amaahdaan. Waa caqabadaha xaga ganacsiga ah ee Somaliland kajira, ogowna hadii ganacsiyo yaryari furmaan waxa ay fursad u tahay dawladdu inay cashuur ka hesho, qayb badana oo dadkeeda bilaa camalka ahina ay shaqo ka helaan.


Caqabadaha kajira dhinaca kaabayaasha dhaqaale sida; wadooyinka, laydhka iyo isgaadhsiinta ayaa iyaguna mudan in Somaliland heli waydo maaligelino caalami ah iyo ganacsiyada oo balaadha. Waxajira Somaliland gobolo uu khayraadkoodu u xaniban yahay kaliya waddo la’aan, tusaale ahaan gobolka Sanaag oo heli lahaa maalgelin badan maadaama oo uu leeyahay khayraad badan oo dihin. Sida oo kaliya lacagta laydhka oo aad qaali u ah Somaliland ayaa sababtay inay ganacsiyo ama warshado badan furmi waayaan ama laguba soo dhiiran waayo.


Shaqo la’aanta, waxbarashada iyo caafimaadkuba waa meelaha ugu waawayn ee laga qiimeeyo waddan inuu koboc samaynayo iyo in kale, lagana xisaaabo horumarka dhaqaale ee waddan gaadhay. Shaqo la’aanta waddanka ka jirta waxa lagu qiyaasaa 70%, waxbarashada hoose ilaa mid jaamacadeed waa lacag, walibana tayadeeda laguma kalsoona. Dhakhaatiirta dawlada shacabku kalsooni badan kuma qabaan cidii ay dantu soo bado weeyaane, cisbitaalada gaarka loo leeyahayna shacabka uma tudhaan ee kaliya danahood faa’ido oo kaliya ay tixgaliyaan.


Hadaba maxaa xal ah;

·      Waa in Somaliland dawladeedu ay samaysaa isbadal dhaqaale, waana in bangiga dhexe loo siiyaa awood buuxda inuu qabto shaqooyinka uu u aasaasan yahay.

·      Waa in dawladdu ay la timaadaa qorshe lagu xoojinayo lacagta shilinka ee waddanka

·      Waa in dawladdu horumarisaa kaabayaasha dhaqaale sida dhisidda waddooyin, qiimo jabinta laydhka iyo isgaadhsiinta.

·      Inay dawladdu dib ugu noqoto sida ay ubixiso kharashaadka (expenditures) ay una badashaa si udanaynaysa horumarka waddanka. Waana inay lacagta ugu badani gashaa; waxbarashada, caafimaadka iyo kaabayaasha dhaqaalaha.

·      Inay abaabusho nidaam dayn bixin islaami ah oo lagu taageerayo ganacsatada yaryar ee suuqa soo galaya, si ay usameeyaan shaqo abuur dawladuna ay uhesho il dhaqaale oo cashuur ah.

·      Inay dawladdu balaadhiso waddanka oo dhana gaadhsiiso nidaamka cashuur ururinta, muwaadiniinta waa in lagu wacyi-galiyaa muhiimadda bixinta cashuurta.

·      Dawladdu waa inay aad ula dagaalantaa musuq-maasuqa iyo lunsiga hantida dadwaynaha.

·      Dhisida xaruumo lagu tababaro dhalinyarada (TVETs)

·      In ay dawladdu horumariso wax soosaarka waddanka, si looga maarmo waxyaabaha aynu soo dhoofsanno.


Intaas ayaan kusoo gebogabaynayaa maqaalkan kooban eek a hadlaya caqabadaha nidaamyada maaliyadeed ee haysta waddamada aan la aqoonsanayn si gaar ahna Somaliland.

 

W/Q: Muuse Cabdi

Email: [email protected]

 

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...