Gudida Cusub Ee Loo Xilsaaridoono Arimaha Hawada, Nabadgelyada Iyo Kaalmooyinka Dhaqaalaha Waa In Ay Noqdaan Khabiiro Cokan.

0
Saturday June 20, 2020 - 09:18:18 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 831
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudida Cusub Ee Loo Xilsaaridoono Arimaha Hawada, Nabadgelyada Iyo Kaalmooyinka Dhaqaalaha Waa In Ay Noqdaan Khabiiro Cokan.

    Qalinkii A/rahmanfidhinle UK

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qalinkii A/rahmanfidhinle UK
Gudiyadda cusub ee loo xilsaari doono in ay ka midho dhaliyaan qodobadii lagu heshiiyey Shirkii Jabuuti 18/6/2020  Waa in ay noqdaan Gudiyo culus oo xul ah,Waxaa Madaxweynaha Somaalilaan looga fadhiyaa in uu soo xulo gudiyo rug cadaa ah oo leh sifeyaashan hoose:



1-  Waa in ay lahaadaan gudidu kas waayeel iyo ku dhac geesimino


2-  Waa in ay lahaadaan Gudidu karti wax qabad iyo kalaan aftannimo


3- Waa in ay lahaadaan keyd waxbarasho oo ay ku dheehan tahay waayo aragnimo dheeraad ah oo khusaysa howlaha loo xilsaaray


4- Waa inay aqoon u leeyihiin istiraajiyada wada hadalada iyo xirfadaha loo adeegsado xaaladaha kala duwan ee wada hadalada


5- Waa in ay aqoon dheeraad ah u leeyihiin danaha beesha caalamku ka dhex raadinayso wada hadalada Somaaliya iyo Somaalilaan.


6- Waa in ay Somalilaan metelaan koox waayo arag ah oo garanaaya mawduuca ay ka hadlayaan iyo siday u dhigayaan


7- Waa in la soo xulaa koox ku hubeysan aqoon wadaninimo ku waas oo iibin kara Astaamaha lagu xusuusan karo soo jiritaankii Somaalilaan


8- Waa in la soo xulaa shaqsiyaad xogogaal ah oo ku hubeysan taariikhda soo jireenka ah ee Somaalilaan leedahay.


9- Waa in ay noqdaan shaqsiyaad abuuri kara kalsooni wadareed wada shaqeyneed oo midho dhali karta


10- Waa in ay noqdaan shaqsiyaad jaan'goyn kara arimaha masiiriga ah ee loo xilsaaray ee hor yaala.


looma baahna in uu madaxweynuhu ku soo daro gudida shaqsiyaad aan miisaan culus ku laheyn dalka gudihiisa laakiin lagu ixtiraamaayo xilka ay qaranka u hayaan maanta. Saddexda  guddi hoosaad ee la rabo in ay Somaalilaan soo xulato waxay diirada saari doonaan oo ka hadli doonaan qodobadan hoose oo miisaankooda leh.


1. Sidii loo sii wadi lahaa shirarka mustaqbalka si qurux badan oo hadaf xanbaarsan loona dhisi lahaa Kalsoonidii labada dhinac ee godka ku dhacday.


2. Sidii loo meel marin lahaa qodobadii lagu heshiiyey shirarkii hore ee aan la hirgelin sida Kaalmooyinka Dhaqaale ee Caalamiga ah iyo Gargaarada Bani-aadamnimo, waxaana qodobkaasi loo saari doonaa Guddida koowaad, kuwaasi oo shiri doona muddo shan iyo toban cisho (15) ka dib ah, kuna shiri doona waddanka Jabuuti.


4. Gudida Labaad waxay ka  wada xaajoon doonaan Arrimaha Hawada, kuwaasi oo iyana muddo shan iyo toban cisho ah ( 15 days )  ku shiridoona waddanka Jabuuti.


5. Waxaa ay labada dhinacba soo xuli doonaan Guddi saddexaad oo ka wada shaqayn doona Arrimaha nabad-gelyada iyo nabad-sugida mandaqada. Waxay gudidanina  ku shiri doonaan dalka Jabuuti mudo shan iyo toban cisho gudahood ah.


Dhamman Saddexdaa guddiba shan iyo toban cisho ka dib waxay ku kulmi doonaan dalka Jabuuti, waxaana lagu magacaabi doonaa guddiyadaa (Technical sub committee). Guddida guud ee farsamada wada-hadalada ee hore loo magacaabay waxaa loo bixiyey  (Join Ministerial Committee), Waxaanay 45-cisho ka dib ku kulmi doonaan dalka Jabuuti si ay u qiimeeyaan wax qabadka ay ku dhaqaaqeen guddi hoosaadyada cusub ee hawshaas loo igmaday mudada kooban.


Somaalia waxaa heshiisyadan  u saxiixay Wasiirka Arrimaha Gudaha Mudane Cabdi Maxamed Sabriye, halka Somaalilaan uu u saxeexay mudane Proff : Yaasiin Xaaji Maxamuud Faratoon oo ah Wasiirka arrimaha dibedda ee Somaalilaan. Guulaha laga rajeynaayo shirarka dhawaan dib uga bilaabmidoona dalka Jabuuti waxay ku xidhan tahay Tayada, aqoonta, waayo aragnimada iyo kartida ay yeelan doonaan Gudiyadaa Sadexda ah ee  Madaxweynuhu uu soo magacaabidoono dhawaan inshaa Allah.


Gebo Gebo:  Midnimada Soomaaliyeed  maaha mid Somaalilaan oo keliya u taala ee waa mid u taala 5-ta Somaaliyeed. Somaalilaan iyada ayaa ikhtiyaarkeeda u tagtay Xamar 1960 iyada ayaana ikhtiyaarkeeda ku goosatay oo kula soo noqotay Xornimadeedii 18 May 1991.


Wa-Laahum-Aclam-Wa-Bilaahi-Taw fiiq
Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi (scs)
Qalinkii : A/rahman Fidhinle
Qoraa Madax banaan
Intensive ED BD PA
United Kingdom

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...