Madaxa Hay'adda Caafimaadka Adduunka Oo Ka Digtay Khafiifinta Xayiraadaha Fayraska Korona
Dr
Tedros Adhanom Ghebreyesus ayaa sheegay in Khamiistii uu keliya ay W-H-O
diiwaangelisay in ka badan 150,000 oo kiis oo cudurka ah, taasoo ah tiradii ugu
badneyd ee maalin qura la shaaciyay.
Waxa
uu intaa raaciyay inuu dareensan yahay dhibaatada ay xayiraadaha ku hayaan
bulshada iyo dhaqaalaha, balse waxa uu ku baaqay in dalalka ay muujiyaan
taxadar dheeraad ah.
"Fayrasku weli si xawli ah ayuu u faafayaa, waana mid dilaa ah oo dad badan ku dhici kara. Waxaan ugu baaqeynaa dhammaan dalalka caalamka iyo shacabkaba inay muujiyaan taxadar dheeraad ah, ayna joogteeyaan kala fogaanshaha, in guryaha ay joogaan dadka xanuunka qaba, la daboolo afka iyo sanka marka la qufacayo, maaskaraha la xirto marka ku haboon, iyo in gacmaha la dhaqo," ayuu yiri Dr Tedros
Digniinta W-H-O ayaa kusoo beegmaysa xilli dalal ay kamid tahay Britain ay hoos u dhigeen heerka khatarta cudurka, isla markaana ay dowladuhu qaadeen xayiraado badan oo dalalkooda saarnaa.
Dhanka kale mas'uuliyiinta caafimaadka ee Shiinaha ayaa sheegay in nooca fayraska maalmahan ku faafayay caasimadda Beijing ay suuragal tahay inuu uga yimid dhanka Yurub.
Guud ahaan caalamka oo dhan ku dhawaad 8.5 milyan oo qof ayaa qaaday cudurka, halka in ka badan 453,000 ay u dhinteen.
BBC