Golaha Wakiilada Oo Diiday Qodobo Ku Jira Xeerka Booliska Oo Guurtidu Wax Ka Badaleen Iyo Go'aan Ay Markale Ka Gaadheen.

0
Saturday April 13, 2019 - 18:30:27 in News by
  • Visits: 2332
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Golaha Wakiilada Oo Diiday Qodobo Ku Jira Xeerka Booliska Oo Guurtidu Wax Ka Badaleen Iyo Go'aan Ay Markale Ka Gaadheen.

    Golaha Wakiilada Oo Diiday Qodobo Ku Jira Xeerka Booliska Oo Guurtidu Wax Ka Badaleen Iyo Go'aan Ay Markale Ka Gaadheen.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Golaha Wakiilada Oo Diiday Qodobo Ku Jira Xeerka Booliska Oo Guurtidu Wax Ka Badaleen Iyo Go'aan Ay Markale Ka Gaadheen.


Hargeysa(HWN):-Xildhibaanada golaha wakiilada somaliland ayaa go’aan ka gaadhay xeerka booliska oo in mudo ah horyaalay.


Fadhiga maanta ee golaha wakiilada somaliland oo uu gudoominayey Baashe Maxamed Faarax ayaa mudanayaasha golahaasi waxay ku ansixiyeen xeerka booliska oo wax ka badal iyo kaabis lagu sameeyey isla markaana ka soo noqday golaha guurtida.

Image result for golaha wakiilada somaliland


Xildhibaanada golaha wakiilada ayaa loo akhriyey qodobada ku jira xeerka booliska ee wax ka badelka iyo kaabista lagu saameeyey, iyada oo xildhibaano badani ay ka keeneen dood ay saluug kaga muujiyeen qodobada kaabista lagu sameeyey.


Fadhiga golaha wakiilada ayaa mudanayaashii ka soo xaadiray waxay ka horyimaadeen inta badan qodobada ay golaha guurtidu wax ka badelka iyo kaabista ku soo sameeyeen, iyaga oo u codeeyey qaabkii ay meel mariyeen markii hore.


Gudoomiyaha golaha wakiilada somaliland Baashe Maxamed Faarax ayaa codaynta xildhibaanada ka dib ku dhawaaqay natiijada waxaanu yidhi "Xeerka booliska waxa ansixiyey 44 xildhibaan, 1 waa diiday, 1 waa ka aamusay gudoomiyuhuna muu codayn, sidaas ayaanu ansax ku yahay xeerka Boolisku”


Sidoo kale gudoomiye Baashe ayaa xildhibaanada ku wargeliyey in maalinta sabtida ah ay iskugu yimaadaan fadhiga kale.


Hadhwanaagnews.com/Office
Hargeysa/Somaliland
Loading...
Loading...