Hoogeedda U Mashxara-dooy Adigu Isu Akhri Faataxadda ( Abdi-Shotaly).

0
Friday June 19, 2020 - 18:50:10 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1546
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Hoogeedda U Mashxara-dooy Adigu Isu Akhri Faataxadda ( Abdi-Shotaly).

    Qore:- Abdi-Shotaly.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qore:- Abdi-Shotaly.

Naba ogid sidda wax kuu gaadheen iyo jugta kugu dhacdaye,inta dakharka lagugu dhuftay leeg-yahaye, aan in yar kuu taabto'e ku soo dhawaw. Ma jirto guul uu ka soo hooyey Shirkii Jabuuti, askariga meesha ka dhararaq lihi, ee intuu isu dhiibay ka u seediga ah ee Ina Geelle Basal ( Keliggii taliyaha Jabuuti) baa xoog hanjabaad iyo siyaasad aanu fahmi karin, lagaga fara-maroojiyey masiirkii ummadani lahayd. Wuxu si toos ah u wareejiyey isaga oo baqdin kurba-naaya, wixii loo laayey haldoor-kaaggii, markuu isagu Xarshin laxoodda ka dubaayey, ilayn umay soo halgamin " Raggii ma adigaa ka hadhay iyo kuu ku adeegto ee la ydihaaho geenyo shaaximaniye" Sidaas awgeed, iyaka khasaare kuma joogto, waxay-ba ka lusheen dhiil subuga ah oo aanay filanayn, wayna ka faa'iideen oo waa kuwaas maanta milyan-neeriinta ah, ee mid-ba boqolka guri, jago ama baloodh iyo beero ka yeeshay, gancasato-na ka noqday, ee meel walba boobay, markay si walba uga dhergeena, waa kuwaas siddii awr abaar qooqay, sare ugu kaajaaya shicibkii ay ka xadeen wixii ay lahaayeen, ayaan kaste hoogay iyo baroorta ay dumarku ilmadda iska duuga-yaan idin-kama qarsoona. Hadaba bal aan is waraysano'e,  Iska war-laay iska waran? Maxaad saaka haysaa? Mee wadankii aad diiga u soo daadisay? Xagee buu ku dambeeyey? Intaad durbana beeleed ku garaacayso " Xaafad-tooyadda" baan is xignaa ama xil baan ka rabaa iyo dan-taydda gaarka ah baan ku ilaasha-nayaa, saw kama fara madhnid, bilaa rajo-na ma tihid subaxan saaka ah.

 

Hoogeedda u mashxara-dooy, hadaba adigu isu akhri faataxadda, adaa is aasaye. Waxan daawaday askriggii jaahilka ahaa, oo munaafaqaddii beelaysnayd lagu soo dhawaynaayo galbeedka Hargaysa.  siddii mid deero soo dilay, ha-yeeshee kaba-hiisa baa loo soo xambaariyey, mase fahmaayo, ee isagu wuxu malaha guul u haystaa, waxan isi soo hor fadhiisanay " Daba-gaale Farmaajo" iyo kuu kolba u sii qaado fijaanadda Muqmadda ah, mase oga in socodka lagu gawracay, isaga oo talaab-sanaaya. oo uu mayd socdda yahay. Waxa laga yeelay-na ma jirto, baryaddii uu la tegay meesha in loo fasaxo wixii caalamku ka jaray, ee uu farsamo xumaan-tiisa iskaga handaraabay, waxa lagu yidhi askarii yahaw isma ogide " Waxad tahay lax dhukani abaar moog" ee hadaad doonayso in laguu fasaxo arimihii aanu kaa joojinay, jilbaha qabso " Daba-gaale Farmaajo", Markii gunta la soo taab-siiyey, baa waxa dani ku keliftay, in uu yidhaaho wax aan dadka isla soo hor tagao, oo aan u shego ii macmala, sidaas baana loogu saaray saddex gudi, kuwaas oo arima-haas dhaqaale doonka ah u sii dhirin-dhirin doona, ilayn nafta baa loo xarfiyeye. oo meel uu wax ka diido majoogo, khsab-na way ku thay, oo isaga waxa u daran hanti jeebka uu ku shubto oo qudha.

 

Akhristaw haddii aad wax qaadanayso iyo haddii kale-ba, ma jirto waxa la idinku maaweelinayaa, ee uu la nac-nac yidhi askarigu markuu yimi " Xaafad-tooyadda" Taas oo ah la maba soo hadal qaadin " Midnimo iyo kala go' mid-koodna" Miiskana lama keenin, waxana af buuxa lagu yidhi, nagalama hadli kartid haba-yaraatee xaaja-daas, ee waxad tahay Maamul gobleed ka tirsan, waxa ay ku sheegaan FDS. ee uu hor joogaha ka yahay ka mareexaan, ee aan magaciisa kor ku xusay. waxa aynu ka wadda hali karnaa oo keliya baa lagu yidhi, qaybtii aad ka heli lahayd dhaqaalha aynu siino maamul-Goboleedka, oo aad ka mid tihiin. wax toos uu caalamku idiin siina-yaana ma ay jirto, ee waxa la idiin soo marinayaa Al-shabaabland. waa taas xaqiiq-dii ee ku biyo cab indha-haaga oo shan ahna u fur, way idin hor taalaaye. waxan-se la yaabay muwaadin, qaar khiyaali ku andacoodda, oo yidhaaha somaliland baanu daacad u nahay gooni isu taageedda, iyaka oo qaab reeraysan been ugu sacab tumaaya asakriga iyo ku xaymayn ay is leeyihiin beello kale durbaanka ku garaaca, calaa-shaan askriga baan isku isir nahay, oo khalad iyo sax-ba aanu ku garab taaganahay, hadana ku af gobaad-sanaaya dad kale baa qaran dumisi ah, saw maaha mar-kaas maah-maah-dii ahayd " Maroodigu takarta ku taagan ma arkee, ta ka kale ku taagan buu arkaa" Waxan ku soo xidhay qoraalkan, Somaliland cirkaa laga eegay, waxana loo qabtay in ay ku soo biirto somaliya mudo ah sanad iyo badh, intaan doorashadda laga qaban Koonfur, waxa loogu tallo galay in uu " Daba-gaale farmaajo ku ololeeyo, anaa keenay midnimo, si mar kale loogu doorto khiyaali, adna askarigan aan geeriddii Nebiga (CSW) aan ogayn baad, dhimasha-diinii ugu dabaal-degteen ( Subxaana-laahiye).

*N.B Iska War-Laay Iska Waran?

Qore:- Abdi-Shotaly.

[email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...