Maxaa Iiga Baxay Shirkii Djibouti Iyo Baahiyaha Ay Qabto Somaliland Ee Ay Tahay Inay Ka Shaqyso Gudaheeda.

0
Friday June 19, 2020 - 18:45:30 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1651
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaa Iiga Baxay Shirkii Djibouti Iyo Baahiyaha Ay Qabto Somaliland Ee Ay Tahay Inay Ka Shaqyso Gudaheeda.

    Faalo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Faalo  


Sidaan is leeyahay uma baahana qoraalkaygu inuu taariikh aad ka wada dharagsan tihiin iyo tixraac aan ku soo dhiraandhiriyo  halkay Somaliland ka timi iyo waxii loo abuuray iyo cidii wada lahayd ee ay ka dhaxaysay laakiin waxaan is leeyahay  waxuun baa mihiiima oo loo bahaan yahay in la sifeeyo lana saxal tiro halka loo socdo  iyo waxa inaga dhiman in sidii qof muwaadina ilaa masuul muxaafida iyo mucaaradba loo wada dooni lahaa.



Waxaan is leehay Somaliland manta waxay cagta saartay wadaday wax ku noqon lahayd ama ay ku burburi lahayd taasooy  kala doorashadeeda ay u taalo hadaba cida talada u haysa ama u qabata 15-ka ilaa 20-ka soo socda.


Gundhiga Mihiimada qoraalkayga onan jeclayn inuu sii dheeraado u gunda daadagiisu  waa wada hadalada Somaliland iyo somaliya oo mudo 8 sano ah imika soo noqnoqonayay haba kala durugsanaadaane sida aan  is leeyahay aniga iyo inta ila fikirkii waxaa jira waxaabo badan oo ka qarsoon shacab waynaha Somaliland  taasoona marnaba ayna inooga run sheegin madaxdeena ha ugu horeeyo madax wayne Muuse Biixi Cabdi oo aan ugu sad burinayo qubadiisii hiilka badnayd ee mudada 17-ka daqiiqo ku siman socotay ee uu ka jeediyay Djibouti wiigan gudihiisa, waxaa kale oon soo dhawaynayaa heshiis u eekihii waxa lagu heshiiyay dadka lala wadaagi kari wayay oo aan rajaynaayo  Allena ka baryaayo inaanu ku jirin wax ku Lidiya jirida iyo horumarka Somaliland.


Waxaa mar walba wax laga xumaado ahayd sidii madaxdii inooga qayb gashay shirka u kala hadalayeen ee dhamaandkii maalintii koowaad ilaa xalay inoo lahaayeen mar walba shirku wuu burburay iyo waa lagu kala kacay ama gududa Somalia maaha waayo arag mana diyaarsana su’aashan is waydiinayay mar walba ayaa waxay ahayd oo hadaa maad iskaga soo noqotaan hadaan rag iyo dumar idin fahmanaya meesha joogin jawaabata su’aashasi iyo gababada shirkuba aniga waxaa iga soo haxay waa ‘Mooyi’ iyo is yeelyeel.


Waxaa xusid mudan oon aan halkan hambalyo, bogaadin iyo mahad naq laxaad iyo miisan leh uga dirayaa marwo Edna Aden Ismail oo ah halyeeyad ay ka dhab tahay wadan jacaylku iyo in ay xoriyada goori isu taaga mar walba ilaalso.


Hadaba is waydiin mudan maxaa Somaliland hor-yaala maanta ooy u baahan tahay in si dhaba uga shaqayso madax ilaa mijo?


Somalilnad manta way u baahan tahay tuxaan bixin dhexdeeda ah iyo isu soo dhawaansho shacab oo ay tahay in ay xukuumadu ka shaqayso mucaaradkuna ku caawiyo, waxaa muhiima in xukun qabsiga iyo saamiga reerha la isku miisamo iyadoo loogu horaysiinayo reeraha aan is leehayhay waligood lama xusuusan ee beelaha la hayb soco iyo beelaha hareeraha.


Somaliland manta waxay u baahan tahay dib u curin siyaasadeed  taasoo lala kaashaniyo aqoon yahaynka aqoonta durugsan u leh siyaasada iyo dhaqaalaha ee dalka iyo dibadabada jooga iyadoon laga tageen wax garadka iyo xeerbeertida dhaqanka, iyo in tix galin mudan la siiyo doorka dhalin yarada.


Halka ugu danbaysa waxaan soo jeedin lahaa in loo sameeyo khariirad loo maro Aqoonsiga Soomaalind oo cilmayaysan mudaynsana taasoo laga qayb galinayo cilmi baadhisteeda iyo suuraha ay yeelanaysaba culimada iyo  jamacadaha dalka.



Somaliland  ha guulaysyato.

Moustapha Sheikh Ahmed.
London Uk.

ALLAA MAHAD LEH

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...