Sir Mohamud Omar Abdi Oo Tacsi Udiray Ehelkii Uu Ka Baxay Marxuum Maxamed Baashe Xaaji Xasan

0
Friday June 19, 2020 - 17:40:48 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1199
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sir Mohamud Omar Abdi Oo Tacsi Udiray Ehelkii Uu Ka Baxay Marxuum Maxamed Baashe Xaaji Xasan

    "waxuu ahaa nin garasho iyo dadnimo wanaagsan oo qalbi fiican "

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"waxuu ahaa nin garasho iyo dadnimo wanaagsan oo qalbi fiican "

Marka hore ilaahay Marxuun  Maxamed Baashe XAAJI Xasan JANADII ha geeyo Samir IYO IIMAAN HAYNAGA SIIYO AAMIIN AAMIIN



Maxamed baashe WAXAAN la Kulmay markii IIGU horaysay 1989 wadankii la odhan JIRAY juguslafaakiya Magaalada prag Anagoo KA koobanayn todoba qof OO soomaaliya Qaxootiya oo aan cid KA garanayn wadankaan nimi WAXAAN aragnay nin itoobiyaana markaanu airport ka wadankaa KA soo baxnay WAXAAN waydiinay inuu noo geeyo cid soomaaliya haduu garanaayo .


waxuu yidhi nin Ayaan aqaan waxaanuu noo keenay maxamed baashe ilaahay haw naxariistee. marxuunku xiligaa arday AYUU ahaa waxaanuu KU jiray qol yar OO KA mida meelaha ardaydu seexato Maxamed waxuu todabadayadiiba ku qaabilay waji farxadi KU dheehantahay waxuu na geeyey meel AAN wax KA cuno waxuu goostay inuu qolkaa yar Ee uu daganyahay Nagu marti galiyo.


 WAXA aanan ilaabin inuu isagu seexday halka kabaha la dhigto isagoo WAXII la huwanaayey ama la goglanaayey anaga na Siiyey  .aroornimadii waxuu na geeyey meesha tareenka laga raaco isgoo noo tilmaamay sidii AAN sweden KU gaadhi karno iyo talooyin dhaxal gal ah  gabagabadii waxuu ahaa nin garasho iyo dadnimo wanaagsan oo qalbi fiican mar labaad ilaahay janadii ha geeyo AAMIIN

 

SIR MOHAMUD OMAR ABDI

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...