Mudaharaado Ka Socda Magaalada Muqdisho Iyo Waxyaabaha Ay Salka Ku Hayaan+Sawiro

0
Saturday April 13, 2019 - 17:19:01 in News by
  • Visits: 2532
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mudaharaado Ka Socda Magaalada Muqdisho Iyo Waxyaabaha Ay Salka Ku Hayaan+Sawiro

    Mudaharaado Ka Socda Magaalada Muqdisho Iyo Waxyaabaha Ay Salka Ku Hayaan+Sawiro

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mudaharaado Ka Socda Magaalada Muqdisho Iyo Waxyaabaha Ay Salka Ku Hayaan+Sawiro


Muqdisho(HWN):-Mudaharaado ka socda magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa sii xoogaysanaya tan iyo saaka.





Mudaharaadkan oo ay dhigayaan wadayaasha gaadiidka iyo dadweyne shacab ah ayaa salka ku haya cadho ka dhalatay dil ay gaysteen ciidamada dawlada soomaaliya.


Mudaharaadadan ayaa ka dhashay ka dib markii ay ciidamada amaanka ee Muqdisho saaka dil u gaysteen wiil darawal ka ahaa gaadiidka bajaajta iyo abtigii oo wehelinayey, iyada oo mudaharaadayaashu ay xidheen inta badan wadooyinka iyo isgoysyada magaalada Muqdisho.




Mudaharadayaasha ayaa dalbanaya in masuuliyiinta dawlada federaalka ah ee soomaaliya ay is casilaan, iyaga oo ku eedaynaya inay ku guul daraysteen inay sugaan amaanka magaalada Muqdisho oo u muuqda inuu faraha ka sii baxayo, waxaanay dadweynaha mudaharaadka samaynayaa ay siteen maydka labada marxuun ee uu toogtay askari ka mid ah ciidamada dawladu.


Mudaharaadka ka socda magaalada Muqdisho ayey wararku xaqiijiyeen inay ka dhasheen khasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo gaadhaya 10 qof



Hadhwanaagnews.com/Office

Hargeysa/Somaliland
Loading...
Loading...