Dhaqankii Muuse Biixi Ee Qabyaalada Ku Salaysnaa Oo Tafaariiqeeyey Guddidii Ka Qayb Gashay Shirkii Jabuuti.
Hargeysa(HWN):-Hogaamiyaha somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa iyo weftigii ka qayb galay shirkii jabuuti oo aan hayn wax natiijo ah ayaa maanta ku soo noqday magaalada Hargeysa.
Weftiga Muuse Biixi oo soo dhawayn balaadhan loogu sameeyey degmooyinka laga soo doortay ee Hargeysa ayaa taageerayashiisu ay hab qabyaalad ah ku kala furfureen xubnihii somaliland u matalayey shirkii wada hadalka ee ka dhacay Jabuuti kaas oo natiijo la,aan ku soo dhamaaday.
Fashilka muuse biixi iyo weftigiisu kala soo noqdeen jabuuti iyo natiijo la,aanta ay wajaheen ayaa keentay in soo dhawayn caadifadaysan uu kala kulmo degmooyinka Hargeysa ee laga soo doorto.
![]() |
![]() |
![]() |
Sawiro soo dhawayn ah oo loo sameeyey muuse biixi iyo xubnaha wehelinayey ayaa mid kastaba si gaar ah loogu qaybiyey dadka ka soo jeeda deegaankiisa.
Muuse biixi ayaa sawiradiisa loo qaybiyey degmooyinka hargeysa ee laga soo doorto halka xubnihii kalana mid walba lagu taxay dadka deegaankiisa.
![]() |
![]() |
![]() |