"Yaan Lagu Mashquullin WADA-HADALLADA Ee Dhismaha Iyo Wada-jirka Shacabka....."

0
Thursday June 18, 2020 - 16:05:49 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1986
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Yaan Lagu Mashquullin WADA-HADALLADA Ee Dhismaha Iyo Wada-jirka Shacabka....."

    "Yaan Lagu Mashquullin WADA-HADALLADA Ee Dhismaha Iyo Wada-jirka Shacabka Ha Laga Shaqeeyo"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Yaan Lagu Mashquullin WADA-HADALLADA Ee Dhismaha Iyo Wada-jirka Shacabka Ha Laga Shaqeeyo"

Hargeisa(HWN):-Siyaasiga Cabdillaahi Xuseen Iimaan (Darawal), oo ka mida Siyaasiyiinta reer Somaliland ayaa Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi u soo jeeddiyay inaan dhismaha gudaha iyo isku xidhka shacabka Somaliland aan lagaga mashquulin Wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya, waxaannu Weftigii Madaxweynuhu hoggaaminnaayay wada-hadallada ka qayb-galay uu ku boggaadiyay diyaar-garowga fiican ee ay la tageen madashii wada-hadalladu ka dhaceen ee dalka Djibouti.


Wada Hadalka Ay Xukuumada Somaliland La Furtey Somaliya Waxaa Uu ...

Siyaasiga Cabdillaahi Darawal waxa uu siddaas ku sheegay Waraysi uu siiyay Telefishanka Saab tv, waxaannu Wadahadalladii Somaliland iyo Soomaaliya ku tilmaamay bilow fiican, laakiin u baahan shaqo iyo ka midho dhalin.

"Shirkaas Djibouti ka dhacay anigu dadkii doonnaayay in laga qayb-galo maan ahayn, haddana markii laga qayb-galay Nasiib-wanaag Weftigii Somaliland waxa ay helleen Jaanis aannay qollooyinkii ka horreeyay hellin. Khudbad bay diyaarsaddeen aad u qiimo badan si fiicanna way u diyaar-garoobbeen, beesha caalamkunna hore umay dhicin inay intaas inleeg arrimaheenna ku dhagaystaan, runtii jaanis bay ahayd oo Dooddeennii laga jawaabi karri waayo, waxaan qabaa inay wax wayn tahay,laakiin ka midho dhalinteeddu waxay ku xidhan tahay sida aynu u shaqayno."

Waxaannu intaas ku daray oo uu yidhi "Horta Doodda meeshan la geeyay maaha mid innagu cusub, laakiin waa wax ilaa 1991-kii la waday oo madalkasta oo aynu tagno la gaynaayay, tanna waa isla Dooddii oo Tifaftiran nasiib u heshay madal ay ku dhan yihiin beeshii Caalamka iyo ururaddii gobolku, Madaxweynaha iyo Weftigiisunna diyaar-garow wanaagsan ayay meesha ku tageen, laakiin waxay ku xidhan tahay sidii looga midho dhalin lahaa waa hawl ku xidhan sida aynu u shaqayno" Ayuu yidhi Cabdillaahi Darawal.

Siyaasiga Cabdillaahi Darawal mar uu farriin u dirraayay Xukuumadda taladda haysa waxa uu yidhi "Xukuumadda waxaan u soo jeeddin lahaa inaan lagu mashquulin Wada-hadallada ee laga shaqeeyo dhismaha gudaha dalka iyo Xoojinta wada-jirka shacabka Somaliland, waxaan leeyahay yaan muhiimad wayn la siinin WADA-HADALLADA SOMALILAND iyo SOOMAALIYA ee Wada-jirka Shacabka Somalilland." Ayuu yidhi Cabdillaahi Darawal

Hadhwanaagnews,Office
Hargeisa,Somaliland

Loading...
Loading...