Yaa Ku Guulaystay Shirkii Jabuuti Ee Somaliland Iyo Soomaaliya Ku Wada Hadleen?

0
Thursday June 18, 2020 - 15:06:51 in News by
  • Visits: 3631
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Yaa Ku Guulaystay Shirkii Jabuuti Ee Somaliland Iyo Soomaaliya Ku Wada Hadleen?

    Yaa Ku Guulaystay Shirkii Jabuuti Ee Somaliland Iyo Soomaaliya Ku Wada Hadleen?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Yaa Ku Guulaystay Shirkii Jabuuti Ee Somaliland Iyo Soomaaliya Ku Wada Hadleen?

 

 

 


Shirka Jabbuuti.


Waxa ay dhahaan cayaarta qaramadu (game of nations) ama siyaasaddu waa cayaar aan guul lahayn, balse laga fogaado kaliya guuldaro.



Shirka Jabbuuti ka qabsoomay, waxa iiga muuqday is-diiddooyin door ah - M.ne Geelleh oo xulufada Atoobiyo badhtanka u fadhiya iyo Afwerke oo dhabarka u jeediyey xulufadda Geeska. Yamamoto oo sidii la saadiyey fara madhan kala noqday muranka Soomaalida ee ka balaadhan "waa isku af, wa isku diin oo waa isku midab".


Atoobiya


Haddii shirka Jabbuuti ay qolo kala tagtay guul, waxa aynnu odhan karnaa ciddaasi waa Atoobiya, waayo, Atoobiya waxa ay mudo ka shaqayneysay sidii ay JSL ugu soo dari lahayd xulufada Geeska, iyada oo aan ciddi dareemin. JSL hadda waxa ay u muuqataa in ay la safatay xulufada Geeska iyaga oo aan waxba ku beddellan.


Dad badan ayaa arkayey JSL in ay haysatay fursad dahab ah oo ay ku heli karaysay aqoonsi buuxa, waa haddii uu M.ne Biixi ku adkaysto aqoonsi buuxa in uu ka helo xulufada Geeska ama dhanka kale ku nagaado xulufadii M.ne Siilaayo Somaliland ku daray ee Khaliijka. Arrinkan oo deden aan daaha ka qaado:


Atoobiya waxa ay bisha soo socota si rasmi ah u hawl gellin rabtaa dhaam biyoodkii webiga Niilka. Halkaa isu sheegi mayno, Masar in ay ka taagan tahay collaad. Haddaba, haddii JSL ay la safanayso dhinac, waxa la gudboonnayd in ay ku gorgortanto aqoonsi buuxa, balse hadda warrarka soo baxaya waxa ay sheegayaan "maalinkii koobaadba JSL in ay heshiis la gashay Geeska, kaas oo JSL ka fogaynaya waddamada Khalijka, isla markaana sababi kara in uu joogsado mashruuca Marinka Berbera.


Xiisadda dhaam biyoodku waa mid culayskeeda leh, sida ay warrinaysay warbaahinta Masar shirka Jabbuuti ayaa daarnaa baa ay lahayeen oo kaliya in waddan carbeed - waa sida ay hadalka u dhigeenne" laga horkeeno masaaliixda waddan kale oo carbeed.


Ammuurtaasi waxa ay u baahan tahay xeelad, lexejeclo iyo feejignaan in lagu wajaho - dhanka Muqdishu lafteeda ma cadda macaashka rasmiga ah ee ay ka dheefayaan xulufada Geeska. Laga yabaa in wabiga Shabeelle loo fasaxo biyaha uga yimaada dhanka sare ee Atoobiya.


Yamamoto


Wakhtigan oo Maraykanku uu ku jiro xili doorasho iyo Taraam oo dhawr cisho ka hor ku dhawaaqay in uusan dib oo u dambe u fara gallin doonin siyaasadda guddaha ee dalalka kale, ayuu kusoo beegmay shirkanni. Dad badan baa marka horraba lahaa shirka uu Yamamoto wadaa, waa jar-iskaxoor oo waxa ay dadkaasi u nisbeynayeen fashilka ku iman kara shirka sababtiisu in ay tahay khibrad yari iyo Danjire Yamamoto oo ka talo qaato dad qurbaha wax ku bartay, haddana fadhigoodu yahay magaalooyinka waweyn, sida: Xamar iyo Sawaaxil.


Danjire Yamamoto, wax uu ku farxo kalama uu noqon shirka Jabbuuti, waxaa isoo gaadhaya danjiruhu in uusan u bogin habraaca siyaasaddeed ee M.ne Biixi, taas oo dadku sheegayaan in M.ne Biixi uu had iyo jeeraale u dhaqmo qaab iska soo horjeeda.


Khayrre


Ra'isal Wasaare Khayrre waxa u darnaa in la meel mariyo wadaaga gargaarka iyo deynta. Qodobkaasi waxa uu u muuqdaa mid ku saqiiray shirka Jabbuuti, sababta oo ah heshiis lagama gaadhin qaybsiga gargaarka iyo deynta ee shuruudda looga dhigay in labada dhinac ay saxeexaan heshiiska "deyn cafinta iyo sii deynta deeqaha".


Qodobkaasi haddi uu sidaa u saqiiro, waxa eeda fashilka dusha loo saari karaa M.ne Farmaajo oo qodobka deeqaha ku ladhan qodobka is-dhexgalka shacabka.


Farmaajo


M.ne Farmaajo waxa uu JSL u sameeyey soo jiidasho tii u sarraysay, waxa uu miiska u saarray hadyad ay adkaan doonto in mar dambe madaxweyne kale la yimaado miiska wadahadalka. Farmaajo sidaas oo kale, waxa uu u muuqday nin isku hallayn ku qaba Biixi, balse sida muuqata telefoonkii qarsoonaa ee Villa Somalia iyo Madaxtooyadu waxa uu ku dambeeyey wajigabax iyo niyad jab halleellay M.ne Farmaajo. Ma garan karo guul la sheego oo uu M.ne Farmaajo kala laabtay shirkas.


Geelleh


M.ne Geelleh waxa la arkayey isaga oo madaxa ka warwareejinaya haddalkii Farmaajo ee ahaa "mudo sanad ahba shirkan Ismaaciil ayaa ka shaqaynayey". Ismaaciil waxa uu u diiday hadalkaa - fahamkayga - sababta oo ah M.ne Geelleh waxa lagu ogaa xulufada Sacuudiga, goor uu la saftay Atoobiya lama ogayn. M.ne Geelleh oo sida aynnu ogayn rabshado kaga furnaayeen dalkiisa, waxa aan u fahmay nin qasban oo lasoo jujuubay wakhtigan.


Muuse Biixi.


M.ne Biixi hore waxa aan ugu tilmaamay siyaasi khatar ah oo ay adag tahay in la fahmo, markan waxa uu cayaaray siyaasaddo iska soo wada horjeeda oo cadho iyo wareer ku furtay masuuliyiintii kale ee shirka joogay. Muuse waxa uu dhanka JSL ka kaxaystay qolo Somaliland-nimadu ku dheertahay oo ay ku jiraan Saleebaan, Edna iyo Sulub. Koox kale oo dhexdhexaad (cofederal) u janjeedha ayaa sidoo kale raadeyn ku leh habraaca siyaasaddeed ee Biixi, kuwaas oo aan ka xusi karo Biixi Yoonis, Bulxan iyo Fadal.


M.ne Biixi guul shiqsi ah oo ah in uu khalkhaliyey shirka, isla markaana shirka ka dhigay mid lagu kala fogaaday - waa wada hadalka Muqdisho iyo Hargaysa'e - waa uu lasoo noqon.


Somaliland.


JSL wax guul ah oo dheef ama maamuus u keena ayaatiinka dambe kalama ay soo gurya noqon shirkaas. Somaliland waddan ahaan, waxa ay haysatay fursad ay ku gorgortanto aqoonsi buuxa - maha cidda ay la gorgortamaysaa Xamar ee waxa ay ahayd Addis Ababa - taas waa fursad la dayacay. Muuse intii uusan Hargaysa ka dhoofin ayaa ay ahayd in uu Abbaay si cad ula hadlo ama ka warwareego ilaa inta Abbaay siinayo meeqaamka ay xaqa u leedahay Somaliland. Wali fursaddaasi ma aysan lumin, waa haddii M.ne Biixi ay dhab ka tahay aqoonsi raadiska Somaliland. Muuse waa in uu danta Somaliland ka horraysiiyo dantiisa gaarka ah iyo dan kasta oo kalaba.


Qoraa Axmed Xiis Dharbaan
Loading...
Loading...