Kenya Oo Jabuuti Ku Garaacday Tartankii Kursiga Aan Joogtada Ahayn Ee Golaha Amaanka Iyo Codadka Ay Kala Heleen.

0
Thursday June 18, 2020 - 14:40:34 in News by
  • Visits: 2555
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kenya Oo Jabuuti Ku Garaacday Tartankii Kursiga Aan Joogtada Ahayn Ee Golaha Amaanka Iyo Codadka Ay Kala Heleen.

    Kenya Oo Jabuuti Ku Garaacday Tartankii Kursiga Aan Joogtada Ahayn Ee Golaha Amaanka Iyo Codadka Ay Kala Heleen.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kenya Oo Jabuuti Ku Garaacday Tartankii Kursiga Aan Joogtada Ahayn Ee Golaha Amaanka Iyo Codadka Ay Kala Heleen.


Hargeysa(HWN):-Dawlada Kenya ayaa dhigeeda dalka jabuuti kaga guulaysatay wareega koowaad ee tartankii ay u galeen kursiga aan joogtada ahayn ee ay qaarada Afrika ku leedahay golaha amaanka.


Wareega koowaad ee tartanka oo maanta dhacay ayey labada wadan kala heleen cod aan isku dhawayn, iyada oo dalka Kenya oo codad ku soo laban laabmaya kan jabuuti ka helay wareega koowaad ee codaynta.



Dalka Kenya ayaa helay codad gaadhaya 113 halka wadanka jabuuti uu helay 78 cod, taas oo ka dhigan in codad badan lagaga guulaystay wadanka Jabuuti oo haatan rajo ka qaba wareega labaad ee codaynta.


Wareega labaad ee codaynta oo dhacaya maalinta khamiista ah ayaa hadii ay dawlada Kenya ku guulaysato waxay labada sanadood ee soo socda buuxin doontaa kursiga aan joogtada ahayn ee qaarada Afrika ku leedahay golaha amaanka ee qaramada midoobay.

Loading...
Loading...