Somalia 1960 Bay Taagantahay Somaliland 2020 … Jamaal Cali Xuseen

0
Thursday June 18, 2020 - 09:32:00 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 2120
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somalia 1960 Bay Taagantahay Somaliland 2020 … Jamaal Cali Xuseen

    Reer Koonfurtuna ( Somalia) 1960 kii bay taagan yihiin reer Waqooyiguna (Somaliland) 2020 kii

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Reer Koonfurtuna ( Somalia) 1960 kii bay taagan yihiin reer Waqooyiguna (Somaliland) 2020 kii

 

Boon Xirsi Ilaahay haw naxariiste ayaan moodayey inuu ahaa ninkii beri isagoo ruwaayad matelaya intuu qolo u yimid ku yidhi "Soomaali way heshiisay!” Kolkaasa qolooyinkii u warka u sheegayna iyagoo faraxsan ay mar qudha yidhaahdeen ” Maxaa lagu heshiiyey” kolkaasuu Boon odhanayaa ” waxa lagu heshiiyey in la wada hadlo!”



 


Dhibaatadda jirtaa waxa weeye weli waxaan la yiqiinsan in 2020 aanay ahayn 1960 kii. Berigaa xumad Somaliweyn baa jirtay sababtay Reer Waqooyiguna wax walba bilaa Shuruud walaalahood Reer Koonfureed u siiyeen waxay ahayd in shantii Soomaaliyeed laysku keeno oo ay dawlad noqdaan waana ujeedadda Ugu weyn ee loo midoobay Oo ay Reer Waqooyigu bilaa shuruud Ugu darsadeen Reer Koonfureedka.

 

Maanta 2020 shantii Soomaaliyeed laysku keeni maayo, Reer Waqooyigu 30 sanadood Oo waaya aragnimo ah bay leeyahiin oo ay iskood isku maamulayeen, qiiraddiina meesha Ma taalo. Hayska itaal daraadan Oo sidii la rabay yaan wax loo soo waddani 30 sanadood bay is xukumayeen. Waxay arkaan walaalahood Reer Koonfureedka oo weli ka dafirsan wixii ay ku darsadeen weliba iyaga oo maanta weli isu haysta dawlad iyagii ka maqnaa 30 sanadood raba inay wax u yeedhiyaan. Maanta halkay Reer Waqooyigu joogeen 1960 kii koonfur ayaa joogta. Koonfur lixdankii 10 sanadood ayaa dawladnimadda loo tababarayoo runtii way la yaabanaayeen qoladan Reer Waqooyiga ee waalan ee xornimaddii la siiyey iska tuuraysa oo waa kuwii u bixiyey ” Qaldaamiin”, waana sababta aanay waxbaba iskaga tirin.

 

Maanta halkii Koonfur baa taagan Oo Somaliland oo dawladnimo dhadhamisay Oo aan dan ka lahayn koonfur oo weliba aan nabad ahayn isna sii kala sariftay, welina u hadlaysa sidii lixdankii; ma sabab baa jirta ay waxooda iskaga kala daadiyaan?. Siday Somaliland u doonaysay midnimo 1960 kii, Maanta Soomaliya uma rabto. Shantii Soomaaliyeedna lamaba hadal hayoo oo Ey baa cunay. Kolkaa sidee bay wax u hagaagayaan. Kolka heshiis (negotiation) la gelaya dhinac baa aad u tanaasula. Tan warba isuma hayso halka ay labadda shacbi kala jooggaan. Cida wadahadlaysaana kolka hore talo weyn kamay soo qaadan shacabkoodii iyo intii ehelu caqliga u ahayd waxay goobta la imanayaan. Bal adiguba ka sitee.

 

Jamaal Cali Xuseen

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...