Somaliland : Wasiir Sheegay Inuu ka Bogsaday Corona Virus

0
Thursday June 18, 2020 - 09:18:59 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1776
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliland : Wasiir Sheegay Inuu ka Bogsaday Corona Virus

    "Waa dhab xannuunkaasi waa uu igu dhacay"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Waa dhab xannuunkaasi waa uu igu dhacay"

Hargeysa (HWN) Wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka Somaliland Cabdillaahi Abokor Cismaan ayaa sheegay inuu ka bogsadey xannuunka Covid 19 oo ku dhacay



 

Wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka Somaliland, mudane Cabdillaahi Abokor Cismaan isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi "Waa dhab xannuunkaasi waa uu igu dhacay, 5/6/2020 ayaan si mutadawnimo ah u tagay dhakhtarka marka xumad yar ayaan dareemay, waxaaney ii sheegeen in aan ahey Positive, marka waxaan go’aasnaday in aan is karantiilo islamarkaana aan qaato taallooyinka wasaaradda caafimaadka, 15/6/2020 ayaan ku noqday dhakhtarka waaanan ka bogsaday, waan uga mahad celinaya bulshada qaybaheeda kala duwan ee ii soo ducaysay, maanta ayaanan shaqadii soo galay oo waaniga shaqadii aan Qaranka u hayay gudanaya”

Loading...
Loading...