John Bolton: Trump Waxa Uu Caawinaad Weydiistay Madaxweynaha Shiinaha

0
Thursday June 18, 2020 - 08:55:20 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1820
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    John Bolton: Trump Waxa Uu Caawinaad Weydiistay Madaxweynaha Shiinaha

    "xog xasaasi ah oo aan bulshada loo soo bandhigin,"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"xog xasaasi ah oo aan bulshada loo soo bandhigin,"

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa ka codsaday dhiggiisa Shiinaha, Xi Jinping, inuu ka caawiyo dib-u-doorashadiisa, sida ku xusan buug uu qoray lataliyihiisii hore ee ammaanka qaranka, John Bolton.



Bolton oo faahfaahin ka bixinayay buugga oo lagu wado inuu dhawaan soo baxo, ayaa sheegay in madaxweyne Trump uu doonayay in Shiinaha uu dalaga beeraha ka iibsado beeraleyda Maraykanka.


Weriyayaasha ayaa sheegaya in dhacdada buuggu tilmaamay ay u ektahay falkii horseeday dacwaddii xilka qaadista ee uu wajahay Trump.


Aqalka Cad ayaa ku dedaalaya sidii uu u horjoogsan lahaa daabacaadda buuggan.

Sida ay qabto waaxda cadaallada ee Maraykanka, buugga waxaa ku qoran "xog xasaasi ah oo aan bulshada loo soo bandhigin,"


Buugga oo cinwaan looga dhigay "Qolka ay wax ka dhaceen" ayaa lagu wadaa inuu soo baxo 23-ka bishan.

Bishii January, Aqalka Cad ayaa sheegay in buugga lagu faafinayo "sir culus" taasoo ay tahay in meesha laga saaro, balse Bolton ayaa diidday arinkaasi.


Madaxweyne Trump ayaa lagu wadaa in bisha November uu loolan adag kala kulmo Joe Biden oo ah musharraxa xisbiga Dimuqraadiga, ahna madaxweyne kuxigeenkii hore ee Barack Obama.

 

BBC

Loading...
Loading...