Maxaa Dhici Kara Wareegga Labaad Ee Doorashada U Dhaxeysa Kenya Iyo Jabuuti?

0
Thursday June 18, 2020 - 08:50:04 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2119
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaa Dhici Kara Wareegga Labaad Ee Doorashada U Dhaxeysa Kenya Iyo Jabuuti?

    Muxuu ku doodayaa Madaxweyne Uhuru Kenyatta?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muxuu ku doodayaa Madaxweyne Uhuru Kenyatta?

Kenya ayaa ku guuldaraysatay inay hanato kursiga aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka kaasoo ay kula tartamaysay dalka Jabuuti, kadib markii ay heli weyday codadkii ay u baahneyd.



Kenya ayaa waxa ay heshay 113 cod, halka Jabuutina ay heshay 78 cod, sidaas daraadeedna Kenya 15 cod ayey ku weyday kursiga, waxaana taasi ay ka dhigan tahay in markale lagu celin doono doorashadaasi. Taasi oo ah in cidana aanay helin 128 cod oo ah aqlabiyad saddex meelood ah oo laba meel oo ah.


Natiijadaasi waxa ay ka dhigan in Khamiista maanta ah markale ay labada dal tartami doonaan, waxaana hawl adag ay u taallaa diblomaasiyiinta labada dal sidii ay uga dhex ololeyn lahaayeen dalalka caalamka.


Haddii Jabuuti iyo Kenya uu midkoodna heli waayo tirada aqlabiyadda ah ee ay u baahan yihiin, waxaa ay aadayaan wareeg saddexaad. Haddii ay isku mari waayaanna, waxaa dhici karta in tartanka loo furi dalal kale oo Afrikaan ah.


Qaabka kale ee xalka loogu heli karo arinkan ayaa ah in labada dal ay ku heshiiyaan qeybsiga muddo xileedka kursiga oo dalkiiba uu sanad ku fadhiyo.


Labada dalba, kii guulaysata ayaa kamid noqonaya 10-ka xubnood ee Golaha Ammaanka ee aan joogtada ahayn ee la shaqeeya shanta dal ee haysta awoodda qayaxan ama veto-da loo yaqaan, si go'aan ay uga gaaraan arimaha ku aaddan ammaanka caalamka.


Codadka ay heshay Kenya ayaa qalbi-qaboojin u ah diblomaasiyiinta dalkaasi ee loo xilsaaray hawsha xasilinta kursigaasi.


Jabuuti ayaa diidday go'aankii Midowga Afrika uu Kenya ugu xushay inay si tartan la'aan ah ku qaadato kursigaasi loo asteeyay qaaradda. Waxa ay sheegtay in Kenya aan lagu aamini karin kursigaasi muhiimka ah, maadaama uu khilaaf kala dhexeeyo Soomaaliya.


Kenya ayaa dhankeeda ku doodeysa inay mudan tahay xubinnimada Golaha Ammaanka, ayna waxbadan ka tartay xasilloonida caalamka, gaar ahaan Bariga Afrika.


Muxuu ku doodayaa Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle?

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle waxaa uu sheegay in dadaalka uu ugu jiro dalkiisa kursiga aan joogtada aheyn ee golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey uu yahay mid ay usoo galeen olole adag.


"Tani waxay aheyd olole aad u adag, waxaan soo dhageysanay oo aan diyaarsanay waxyaabaha aad mudnaanta siineysaan ee danaha idiin ah ee aad ka walaacsan tihiin ee aragtiyaha aad ka qabtaan dunida dhibka badan , 27-ka bishan Juun waxaan u dabaal degi doonaa 43 sanno oo xornimo ah, waa 43 sanno oo ay Jabuuti ku caanbaxday nabad iyo dulqaad"


Waxaa uu dhanka kale sheegay in Jabuuti ay kaalin weyn ka qaadatay dadaallada nabadda ee gobolka, wuxuu tusaale usoo qaatay shirka wadahadallada ee madaxda Soomaaliya iyo Somaliland ay isugu tageen Jabuuti kaas oo dhawaan ka dhacay Jabuuti.


"Waxay si guul ah u dhexdhexaadisay dadaallo badan oo nabdeed oo ka jiray gobolka waxaana kamid ahaa dadaalkii nabadeed ee Soomaaliya horraantii 2000 oo aanu qabanay shirkii Carta kaas oo horseeday in Soomaaliya ay dib ugu soo laabato kursigeeda Qaramada Midoobay iyo saaxadda gobolka labo maalmood kaddib oo ay tahay 20 sanno kaddib shirkaas waxaan ku marti qaaday Jabuuti wadahadal u dhexeeya Soomaaliya iyo Somaliland kaas oo aan rajeynayo in uu sahli karo horumar macno leh iyo faa'idooyin la taaban karo"


Muxuu ku doodayaa Madaxweyne Uhuru Kenyatta?

Dhanka kale, Madaxweyanaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa ka hadlay tartanka dalkiisa uu ugu jiro kursigan isla markaana waxaa uu farriin u diray xubnaha ka qeyb galaya shirka golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey.

Waxaa uu sheegay in "In Kenya oo loo codeeyo ay ka dhigan tahay in nabadda iyo midnimada adduunka loo codeeya" "waxaan idin sheegaya in Kenya oo loo codeeyo ay tahay mid xitaa horseedi doonto in la tixgeliyo dalalka yar"


"Waxaan doonayaa in aan idiin la wadaago sheeko ku saabsan Kenya, waana sheekada ay Kenya aaminsan tahay iyo aaminaadda ina xoojineyso, waa midda rumeysan dimuqraadiyadda iyadoo la qaddarinayo nolosha aadanaha iyada oo loo sii marayo midnimada waa tan arrinta aan wax ku wada qabsaneyno" ayuu yiri Kenyatta.


Muhiimadda uu leeyahay kursiga aan joogtada aheyn ee Golaha ammaanka Qaramada Midoobey

Kursigan ayaa markii hore waxaa loo qoondeeyay ilaa lix dal balse sannadkii 1965-tii ayaa laga dhigay ilaa 10-ka kursi ee aan joogtada aheyn ee Golaha ammaanka Qaramada Midoobey.


Kursiga aan joogtada aheyn ee golaha ammaanka Qaramada Midoobey ayaa ah mid saameyn weyn leh maadama dalka ku guulesyta kursigan uu ka qeyb geli doono doodaha ku saabsan amniga.

Dalka ku guuleysta kursigan wuxuu muddo labo sanno ah kamid ahaan doonaa 10-ka dal ee ka tirsan kursiga aan joogtada aheyn ee golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey.


Jabuuti iyo Kenya waxay sannadihii lasoo dhaafay dadaal ugu dadaal ugu jireen sidii ay u hanan lahaayeen kursigan, waxay taageero ka kala raadsanayeen dalalka ay isku luqadda yihiin ee qaaradda, Kenya waxay taageero u raadsatay dalalka ku hadla luqadda afka Ingiriiska halka Jabuuti ay u habar wacatay dalalka Afrika ee ku hadla luqadaha afka faransiiska iyo Carabiga.


Dalka ku guuleysta kursigan waa in uu helaa saddex ka meelood labo meel codadka ay dhiibteen dalalka xubnaha ka ah Qaramada Midoobey.

 

BBC

Loading...
Loading...