War Deg Deg Ah:-Somaliland Oo Shaacisay Inay Sabab U Noqotay Burburka Shirkii Wadda Hadalka Soomaliya Ee Jabuuti Ka Socday

0
Wednesday June 17, 2020 - 20:45:02 in News by
  • Visits: 4455
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War Deg Deg Ah:-Somaliland Oo Shaacisay Inay Sabab U Noqotay Burburka Shirkii Wadda Hadalka Soomaliya Ee Jabuuti Ka Socday

    War Deg Deg Ah:-Somaliland Oo Shaacisay Inay Sabab U Noqotay Burburka Shirkii Wadda Hadalka Soomaliya Ee Jabuuti Ka Socday

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War Deg Deg Ah:-Somaliland Oo Shaacisay Inay Sabab U Noqotay Burburka Shirkii Wadda Hadalka Soomaliya Ee Jabuuti Ka Socday


Hargeysa(HWN):- Somaliland ayaa si rasmi ah u shaacisay inuu burburay shirkii wada hadalka ee dalka jabuuti uga socday soomaliya.

Axadle | Wararka Maanta


Wasiirka xanaanada xoolaha somaliland Siciid Sulub Maxamed oo goor dhawayd ka hadlay shirka ayaa sheegay inuu burburay wada hadalkii isla markaana ay hada sugayaan wixii ay ula yimaadaan wadanka martigeliyey shirku.


Wasiir Siciid Sulub oo xaqiijinaya in shirku burburay ayaa waxa uu yidhi " Shirku saddexda cishaba jiitanbuu ahaa. Waxa noo yimid qolo aan diyaar ahayn, serious ahayn, xogogaal ahayn, Waxa laga wada hadlayo fahmayn. Caawa 7:00 ayaanu ku kala kacnay markii aanu aragnay inaanu wax midho dhal ah ahayn.”


Wasiir Siciid oo ka hadlaya qodobada keenay inuu burburo shirku ayaa waxa uu yidhi "Mucaawinada dunida ayay rabaan inay siyaasadeeyaan, oo ay jiritaankeena ku xidhaan, waana aanu diidnay inaanu gacmaha hoorsano. Waxa kale oo aanu isku diidnay is dhex galka iyo isku socodka siyaasiyiinta xilka haya inay Hargeysa yimaaddaan, kuweenunaxamar tagaan sidii maamul goboleedyada, taasna waanu diidnay, Waxyaabo badanoo riwaayad ah ayaa jiray oo aanu isku diidnay ''


Dhinaca kale waxa socda dedaalo ay wadaan madaxweynaha dalka jabuuti iyo saraakiil ka tirsan safaarada maraykanka kuwaas oo doonaya inay isku soo dhaweeyaan labada dhinac.


Wixii Warar Ah Ee Ka Soo Kordha Kala Soco Hadhwanaagnews.com

Loading...
Loading...