War Deg Deg:-Madaxweynaha Jabuuti Oo Bilaabay Dedaalo Uu Iskugu Soo Dhawaynayo Guddiyada Somaliland Iyo Soomaaliya

0
Wednesday June 17, 2020 - 20:11:47 in News by
  • Visits: 2383
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War Deg Deg:-Madaxweynaha Jabuuti Oo Bilaabay Dedaalo Uu Iskugu Soo Dhawaynayo Guddiyada Somaliland Iyo Soomaaliya

    War Deg Deg:-Madaxweynaha Jabuuti Oo Bilaabay Dedaalo Uu Iskugu Soo Dhawaynayo Guddiyada Somaliland Iyo Soomaaliya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War Deg Deg:-Madaxweynaha Jabuuti Oo Bilaabay Dedaalo Uu Iskugu Soo Dhawaynayo Guddiyada Somaliland Iyo Soomaaliya

Hargeysa(HWN):-madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa bilaabay dedaalo uu iskugu soo dhawaynayo guddiyada wada hadalka ee somalilnad iyo somaaliya ka dib markii lagu kala kacay shirkii wada hadalka ee u dhaxeeyey.

Image may contain: one or more people, people standing and suit


Wararka laga helayo shirka wada hadalka ayaa sheegaya in madaxweyne Geelle uu haatan ku hawlan yahay sidii uu miiska wada hadalka ugu soo celin lahaa labada guddi ka dib markii ay ku kala kaceen iyaga oo meel fog kala taagan.


Madaxweyne Geelle ayaa haatan kulamo gooni gooni ah la qaadanaya guddiyada farsamo ee wadda hadadlka somaliland iyo soomaaliya isaga oo doonaya inuu isku soo dhaweeyo.


Wararku waxay sheegayaan in qodobada ugu adag ee la isku mari waayay ay ka mid yihiin isu socodka siyaasiyiinta, inaan la siyaasadayn deeqaha iyo maalgashiga iyo dariiqii Somaliland loo soo marin jiray deeqaha ee "Special arrangement".


Waxa la dhawrayaa inuu natiijo yeesho dedaalada uu haatan bilaabay madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ee uu iskugu soo dhawaynayo labada guddi.

sababay in miiska wad hadalka lagu kaco ay ugu horeeyaan


Loading...
Loading...