War Deg Deg Ah:-Shirkii Wadda Hadalka Somaliland Iyo Soomaaliya Ee Jabuuti Oo Burburay Iyo Qodobka Laysku Mari Waayey

0
Wednesday June 17, 2020 - 19:34:06 in News by
  • Visits: 4819
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War Deg Deg Ah:-Shirkii Wadda Hadalka Somaliland Iyo Soomaaliya Ee Jabuuti Oo Burburay Iyo Qodobka Laysku Mari Waayey

    War Deg Deg Ah:-Shirkii Wadda Hadalka Somaliland Iyo Soomaaliya Ee Jabuuti Oo Burburay Iyo Qodobka Laysku Mari Waayey

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War Deg Deg Ah:-Shirkii Wadda Hadalka Somaliland Iyo Soomaaliya Ee Jabuuti Oo Burburay Iyo Qodobka Laysku Mari Waayey

 

 


Hargeysa(HWN):-Shirkii wada hadalka ee u dhaxeeyey somaliland iyo soomaaliya ayaa guud ahaanba burburay ka dib markii laysku mariyey qodobo ka mid ah kuwii miiskaa saarnaa ee laga doodayey.

Image may contain: one or more people and people sitting


Warar rasmi ah oo laga helayo shirka ayaa sheegaya in labada guddi ee somaliland iyo soomaaliya ay isku mari waayeen qaar ka mid ah qodobadii laga doodayey labadii maalmood ee ugu dambeeyey.


Labada guddi ayaa isla qaatay qodobo dhawr ah oo la xidhiidha dhinaca maaliyada iyo fulinta heshiisyadii hore balse waxay isku mari waayeen qodob ay wateen guddida soomaaliya kaas oo tilmamay in la furo isku socodka siyaasiyiinta iyo shacabka somaliland iyo soomaaliya.


Guddida matalaysay somaliland ayaa ganafka ku dhuftay isla markaana ka horyimid qodobka la xidhiidhay in laysku furo isku socodka siyaasiyiinta iyo shacabka ee labada gobol halka guddida soomaaliyana ku adkaysteen.


Qodobkan oo labada dhinac ka qaatay wakhtigii ugu badnaa isla markaana ilaa shalay doodiisu miiska saarnayd ayaa ugu dambayn keenay inuu sababo burburka shirkii wada hadalka waxaanay labada dhinac ku kala kaceen miiska wada hadalka.


Dedaalo ilaa saaka ay samaynayeen diblomaasiyiinta safaarada maraykanka iyo guul daraystay ka dib markii labada dhinacba ay ka soo dagi waayeen halka ay ka taagan yihiin qodobkaasi.


Wixii Warar Ah Ee Ka Soo Kordha Kala Soco Hadhwanaagnews


Loading...
Loading...