Turkiga Oo Saluug Weyn Ka Muujiyay Shirkii Somaliland Iyo Soomaaliya, Kana Hadlay Heshiisyadii Hore

0
Wednesday June 17, 2020 - 15:44:04 in News by
  • Visits: 3121
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Turkiga Oo Saluug Weyn Ka Muujiyay Shirkii Somaliland Iyo Soomaaliya, Kana Hadlay Heshiisyadii Hore

    Turkiga Oo Saluug Weyn Ka Muujiyay Shirkii Somaliland Iyo Soomaaliya, Kana Hadlay Heshiisyadii Hore

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Turkiga Oo Saluug Weyn Ka Muujiyay Shirkii Somaliland Iyo Soomaaliya, Kana Hadlay Heshiisyadii Hore

Hargeysa(HWN):-Safiirkii hore ee Dawladda Turkiga u qaabilsanaa Soomaaliya, marna ahaa U qaabilsanaha Madaxweynaha waddanka Turkiga wadahalada Somaliland iyo Soomaaliya Dr. Kamaaluddiin Toorun (Cemalettin Kani Torun) ayaa qoraal saluug ka muuqdo waxa uu ku baahiyey barta uu ku leeyayahay degalka xidhiidhka Bulshada ee Twitter isaga oo ka fal celinayay shirka wada hadallada Somaliland iyo Soomaaliya uga qabsoomay dalka Jamhuuriyadda Jabuuti.




Ambassador Torun isaga oo daba socda shirarkii hore Somaliland iyo Soomaaliya uga qabsoomay waddankiisa Turkiga ee uu Gogoshiisa dhigay Madaxweyne Rajab Dayib Erdogan ayaa waxa uu su’aal iska waydiiyay waxa ku dhacay heshiisyadii hore labada dhinac u kala saxeexdeen waxaanu yidhi: "Maxaa Ku dhacay Saddexdii heshiis ee guddiyadii farsamo ee hore isla gaadheen, ma qashinkaad ku rideen.” Ayuu qoraalkiisa ku yidhi Kani Torun.


Dawladda Turkiga ayaan qayb ka ahayn dhinacyada shirkan ugu dambeeyey saamaunta ku lahaa ama soo qaban qaabiyay waxaanay warar hoose oo soo baxayaa sheegayaan in uu aad uga xumaaday sababta loogu war gelin waayay ama uu door ugu yeelan waayay shirkaasi maadaama uu wakhtigan yahay waddan si weyn saamayn ugu leh waddanka Soomaaliya iyo gaar ahaan dawladda Federaalka ah ee Villa Somalia oo uu taageero weyn siiyo.


Lama oga tallaabada xigta ee uu waddanka Turkigu qaadan doono ee ku aaddan xaaladdan siyaasadeed ee ka soo korodhay dhinacyada Somaliland iyo Soomaaliya.




Loading...
Loading...