"Mala aqbali karo in Ciidankii loo igmaday difaaca Shacabka ay iyaga dilaan" Taabit Cabdi

0
Wednesday June 17, 2020 - 14:35:37 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1109
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Mala aqbali karo in Ciidankii loo igmaday difaaca Shacabka ay iyaga dilaan" Taabit Cabdi

    Qoraal uu Taabit soo dhigay Bartiisa Facebook ayaa ugu tacsiyadeeyey Ehelada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qoraal uu Taabit soo dhigay Bartiisa Facebook ayaa ugu tacsiyadeeyey Ehelada


Gudoomiyihii hore ee Banaadir Thaabit Abdi oo aqbalay Xilka ...

Guddoomiyihii hore ee gobolkan Banaadir ahaana duqa magaalada Muqdisho taabit Cabdi Maxamed ayaa wax lagu xumaado ku tilmaamay dilka mar walba askarta dowladda Soomaaliya ay u geystaan dadka Shacbaka ah.

 

Qoraal uu Taabit soo dhigay Bartiisa Facebook ayaa ugu tacsiyadeeyey Ehelada iyo Qoyska marxuum Cumar Xasan oo ahaa Oday da’ah,kaas oo agagaarka Isgoyska Ceelgaabta uu shalay ku dilay askari ka tirsan Booliska Soomaaliya,waxaana uu sheegay in aan la aqbali karin in ciidankii loo igmaday difaaca shacabka isla iyagii ay si xaqdarro u dilaan.

Ma’ahan wax la aqbali karo in ciidankii loo igmaday difaaca shacabka isla iyagii ay si xaqdarro ah nafta u dhaafiyaan dadka biri-mageydada ahaa ee la tacaalayay nolol maalmeedkooda. Cuqubada ka dhalan karta dulmigan waa mid halis ah, oo na wada saameyn doonta hadii aan si wadajir loo diidin, loogana dhiidhin.

 

Waxaan xanuunka la qeybsanayaa qoyska marxuum Cumar Xasan, waxaana Rabbi uga baryayaa naxariistiisa, qoyskana samir iyo iimaan.

 

Waxaan ugu baaqayaa Hay’addaha Amniga in si deg deg ah sharciga loo marsiiyo gacan-ku-dhiiglaha dulmiyay, naftiisana dhaafiyay qof shacab ah oo aanan waxba galabsan.



Loading...
Loading...