jasiiraddii hoogtay Qoraa { Cabdisalaan-Ceeryaamo}

0
Wednesday June 17, 2020 - 12:21:19 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 1662
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    jasiiraddii hoogtay Qoraa { Cabdisalaan-Ceeryaamo}

    Sahmiyihii reer Ingiriis, dhanka kalena ahaa kalluumeyste wayn ayaa 1798

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sahmiyihii reer Ingiriis, dhanka kalena ahaa kalluumeyste wayn ayaa 1798



Jasiiradda yar ee Nauruan, loona garan ogyahay " Phosphate Island" waxa ay ahayd middaugu cagaaran dunida iyoweliba jamhuuriyadda ugu yar koonka. Laga gayoon maayo sheekada gaarka ah ee jasiiraddaan, murugo iyo waxa ay xiiso leedahayba. Dekado waawayn iyo daaro caadka lagu tolay ayaa ay caan ku ahayd. Dadka u dhashay, heer waxa ay gaareen saboolka la faquuqo. Jidadka waawayn ee Jasiiraddaas, subax walba waxaa ku ruclayn jiray kumannaan qof oo isla harjadaya, si ay miisaankooda u dhimaan. Sheekada yaabka leh ee Jasiiraddaan iyo biyo dhaceedaba aan u soo daadegno.

 

Sahmiyihii reer Ingiriis, dhanka kalena ahaa kalluumeyste wayn ayaa 1798-dii tegay Jasiiradda, waxa uuna ku tilmaamay "Jasiiradda udugga" Wixii intaas ka dambeeyay, reer galbeedka ayaa soo dhoobtay. Si gaar ah, gumeysi ayaa la geliyay. Markii dambena Qarammada midoobe ayaaba la hoos geeyay ( UN Trustsheep) Muddo markii ay xaaladdaas ku jireen, baa xornimo been ah la siiyay, sannadkii 1968-dii. Dowlad reer galbeedku dacay ku hayo, ayaa loo dhisay, dadkiina dulli nimo madaxda dalkaas loo maray ayaa la dulleeyay. Jasiiraddu, waxa ay qani ku ahayd Fosfeytka, oo ah maaddo beeraha lagu bacrimiyo.. ciiddana godlisa. Waa maaddo aad qaali u ah runtii.

 

Shirkado badan ayaa dalka soo dhoobtay, si ay u boobaan kheyraadkeeda dihan. 1906-dii, shirkadda ISBEESIFIG FOSFAYT " Specific Phosphate Company" oo jarmalka laga leeyahay ayaa timid. 1919-kiina British Phosphate Company ayaa iyaduna soo gashay. Taas dambe waxaa ku lammaannaa dowladda Ingiriiska. Fosfeytkii ay jasiiraddu hodanka ku ahayd, ayay si waalli ah u qodeen, jeer ay meel walba bohol ka dhigeen, madaxdii dalkaasna waa laga gaday mashruucaas, in kastoo loo hoos geliyay. Ingiriiska, Ustareelliya iyo Niyuusiilaan ayaa u heshiiyay, dabadeed madaxdii Jasiiradda ayaa ay heshiisyo ka saxiixdeen. Fosfaytkii ayaa ay kala bexeen, si ay beerohooda ugu bacrimiyaan, madaxdiina jeebabka ayay u buuxiyeen. Qof walba oo Jasiiradda u dhashay, sannadkii malaayiin doollar ayuu suuqa keenayay, dowladduna canshuurtii waa ay ka maarantay.

 

Waddankii, ayaa barwaaqo galay. Madaxdii dalkaasna, daaro ayay ka dhisteen Landhan, Baariis, Biijiin, Niyuuyoog iyo meelo kale. Carruurtoodii, dibadaha ayaa ay u dirteen. Qof walba oo jasiiradda u dhashay, bil walba haaf milyan doollar, buu helayey.

 

Mar qura ayaa dalkii sidaas ahaa, abaar noqday. Deegaankii cagaarnaa ayaa boor ka kacay. Wax walbana xagal saddex boqol iyo lixdan digrii ah, bay wareegeen. Dagaal sokeeye, ayaa dillaacay.... markii wax kale la waayayna dadka ayaa is cunay, jeer qof dhan la karsado oo dabadeed la cuno. 12-qabiil oo degganaa, ayaa is gummaaday oo birta iska aslay. Hoog ayaana ku dhacay . Muddo dabadeed, jasiirraddii saxaro ayey isu beddeshay, madaxdiina, shacabkii oo is cunaya ayay hoos u bexeen. Mid walbaa dalkii uu dhalashada ka haystay oo daartu ugu dhisnayd, buu dib ugu laabtay. Maanta, hal qof kuma noola dalkii sidaas ahaa, dad iskaba daaye, haaddii ayaa ka qaxday. Dadkiina mid dhinta iyo mid qaxooti ah aya ay u qaybsameen. Qaar badan xabsiga Kontanama Beey ayaa lagu guray, in kalena badda ayay ku le'deen. Si kastaba ha ahaatee, dalkii waa uu u haawanayaa, sida aqal laga guuray.

 

Cabdisalaan-Ceeryaamo

Muqdisho, Soomaaliya

[email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...