Qodobo la isla gartay iyo goorta lasoo gaba-gabeynayo shirka ka socda Jabuuti

0
Wednesday June 17, 2020 - 11:32:38 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 4015
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qodobo la isla gartay iyo goorta lasoo gaba-gabeynayo shirka ka socda Jabuuti

    Shirka waxaa la sheegay in shalay aad looga doodday arrimihii horay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shirka waxaa la sheegay in shalay aad looga doodday arrimihii horay




Waxaa maanta lagu wadaa in magaalada DJabuuti ee dalka Jabuuti lagu soo gaba-gabeeyo shirkii guddiyada farsamada ee wadahadallada dowladda federaalka Soomaaliya iyo Somaliland.

 

Gaba-gabada shirkaas waxaa lagu wadaa in dhinacyadu ay warbaahinta la hadlaan, isla markaana soo bandhigaan waxyaahaba lagu heshiiyey, iyada faahfaahino hor dhac ah laga helayo qodobada illaa hadda la isla gartay.

 

Shirka waxaa la sheegay in shalay aad looga doodday arrimihii horay loogu heshiiyay ee aan la hirgalin, sida maamulka hawada, deeqaha caalamku bixiyo, isku socodka labada dhinac, iyo ka wada shaqeynta ammaanka.

 

Faahfaahinada hor dhaca ah ee la helayo ayaa sheegaya in labada dhinac ay ku heshiiyeen in aan xogtu dibadda uga bixin inta la isla meel dhigayo wax la isku raacsanyahay oo si wadajir ah loo soo bandhigi doono, taas oo adkeysay in xog rasmi ah laga helin halka ay wax u marayaan guddiyadan kala metelaya Soomaaliya iyo Somaliland.

 

Hasa yeeshee waxaa lasoo sheegayaa in dhicanyadu isla soo dhaweeyeen, isla markaana lagu wadaqancay dood dheer kadib, in isku socodka dadka ee labada dhinac uu yahay muhiim, isla markaana aan lagu xirin wax shuruud ah.

 

In Bankiga Dhexe ee dowladda federaalka Soomaaliya, ay toos ugu soo dhacdo deeqda uu caalamku siiyo Somaliland, markaas kadibna ay dowladda federaalku ku wareejiso Somaliland.

 

In hawada dalka ay si toos ah u maamusho dowladda federaalku, isla markaana lagula xisaabtamo, iyadoo Somaliland qeybtooda laga siinayo dhaqaalaha kasoo xarooda.

 

Labada dhinac ayaa lagu waday inay xalay la hadlaan warbaahinta, balse waxaa ku yimid dib u dhac, iyadoo maanta lagu wado inay warbaahinta la hadlaan, isla markaana ay soo bandhigaan waxyaabaha ay isla meel dhigeen.


Loading...
Loading...