Fiqi oo sheegay inay diyaarinayaan Ciidamo ka hortagga dagaal Beeleedyada

0
Wednesday June 17, 2020 - 10:42:41 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1049
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Fiqi oo sheegay inay diyaarinayaan Ciidamo ka hortagga dagaal Beeleedyada

    Wasiirka Amniga Galmudug waxaa uu sheegay in Ciidamada Daraawiishta Galmudug

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Amniga Galmudug waxaa uu sheegay in Ciidamada Daraawiishta Galmudug


FIQI

Wasiirka Wasaaradda Amniga Dowladda Goboleedka Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay Galmudug ay diyaarineyso Ciidamo daraawiish ah oo fuliya howlgallo kala duwan.

 

Waxaa uu sheegay in Wasaaradda Amniga ay ku guuleysatay xareynta dhamaan maleeshiyo beeleedyadii ku sugnaa Gobolka Mudug iyo Gaadiidkooda,sidoo kalena ay wadaan xareynta maleeshiyaadka ku sugan Gobolka Galgaduud,isla markaana qaarkood tababar loo furay.

Wasiirka Amniga Galmudug waxaa uu sheegay in Ciidamada Daraawiishta Galmudug ay qaadi doonaan laba tallaabo oo kale ah ka hortagga iyo dagaal beeleedyada ka dhaca degaannada Galmudug iyo inay Al-Shabaab kala wareegaan degaannada ka maqan gacanta MaamulkaGalmudug .

 

Waxaa uu sheegay in maleeshiyaadka ka qeyb qaata dagaal beeleedyada ay si awood ah hubka uga dhigi doonaan tallaabana ay ka qaadi doonaan,isaga oo digniin u diray maleeshiyo beeleedyada ka qeyb qaata dagaal Beeleedyada.

 

Wasaaradda Amniga Galmudug ayaa dhawaan waxaa ay la wareegtay Maleeshiyaad hubeysan iyo Gaadiid dagaal oo ku sugnaa degaano ka tirsan Gobolka Mudug,isla markaana Ciidamada tababar looga furay Xero ku taalla duleedka Magaalada Gaalkacyo.


Loading...
Loading...