Guuldarro Dabaaldegaysa Iyo Guul Mudaraadaysa- Waxweyn Baa Ka Qaldan Somaliland.
SOMALILAND 1960 bay iyadoo qaldaana bilaa shuruud ku darsatay Somalia oo wadankeedii joogta iyadoon sugin inay noqoto dawlad cagaa isku taagtay oo wax meel ugu qorani jirin oon qalin iyo buug midna Sidan ayey Mogadisho iska dhiibtay. Waxaynu wada ognahay inay la dagaalankii Xukuumaddi Mohamed Siyaad Barre ee keligii talis ka ahaa boqolaal kun ku dhinteen wadankoo dhamina ku dumay dabadeed markay rideen Xukuumaddii Mohamed Siyaad Barre ayey 1991 kii ku dhawaaqeen goonni isu taag sikastaba ha ahaatee waxay shacabku wada socdaan oo MAAMULKU iska gurguurto waxaa kursigii yimi Xisbiga Kulmiye oo laba qolo ku heshiiyeen inay wixii la isku ogaa iyo Xukuumaddii reeraha wada dhiseen ay wadadii ka bay dheen una dhaqaaqeen Xukun maroorsi iyo danguud boob. Dekedii Iibiyeen Wadankii Qabaail U Qaybiyeen Oo Kelitalisnimo Ka Xun Tii Siyaad Barre Ku Dhaqaaqeen Oo Budhcad Garoobeen. Kolba Jabhadi Ku Kacdo Dabadeed Lacagtii Yarayd Ee Wadanka Ku Ciyaaraan Oo Jabhad Waxsiiyaan Markay Itaal Kale Waayeen. Somalia Ayaa Ku Dhisantay Oo Albaab Walba Ka Xidhay.
Waxay Socotaba Shirarkii Bay La Fureen Somalia
So Kolba In Lacaga Ay U Qaataan .Waxay Socotoba Shirkan Jabouti Oo Aan Heshiis
Laba Dawladood Ahayn Ee Koox Yar Oon Reeraha Somaliland Metelin Ayaa Somalia
Iyo Ethiopia Isu Dhiibtay Waxanna Heshiis Maaha Ee Waa Isbedelkii Geeska Afrika
Ee Abi Ahmed Iyo Somalia Iyo Eritrea Iyo Beesha Caalamka Oo La Socota Oo
Somaliland Soo Galay. Shirku Heshiis
Maaha ( Face Mask)Weeye Oo Isbedelkii Geeska Uu Soo Xidhay.
Dareenka bulshada reer SOMALILAND wuu qaybsanaa Harti iyo Samaron iyo Esse waxay weligood rabeen SOMALIA oo SOMALILAND na godoon bay ku ahaayeen . Garxajis tobonkii Sano ee Kulmiye wadanka afduubay waa laga safeeyey Shaqooyinka cuna qabtayn waa la saaray oo kuma jiraan Heshiiska Djabouti lagu qabtay. Qoladii Kulmiye Jeegaanta la baxday waxay sugayeen inta isbedelka Abi Ahmed imanayo iyo Somalia oo la socota mana diidikaraan waayo maamulkooda dhawr bilood baa lagu qaban karaa wey ogyihiin Markaa wey isu dhibeen wax shuruuda oo laba wadan kala saxeexanayaan lama arki doono waayo arinta waxaaba loo bixiyey DIB U HESHIISIIN ( RECONCILIATION) MARKAA MA JIRAYSO LABA WADAN OO WAX KALA SAXEEXANAYAA OO KALA NOQON KARAA.
Waxaa dadkii yaab ku noqday kuwii Jeegaanta ahaa ee waanu goosannay lahaa oo u dabaaldegaya SOMALIA ayeynu ka mid noqonay iyo kuwii weligood SOMALIA ayaanu ka mid nahay ee SOMALILAND ma ogolin oo ku mudaharaadaya Maxay SOMALILAND uga mid NOQOTAY SOMALIA waa yaab iyo ka waaweyn wax weyn baa qaldan oo intaas baa inoogu filan. ARINTAN OO IILA MUUQATAY GUULDARO DABAALDEGAYSA(JEEGAANTA) IYO GUUL MUDAHARAADAYSA( HARTI IYO SAMAROON) WAA AMAKAAG.
REER SOMALILAND ka KALE EE KA BADAN JEEGAANTA waxaa goaan koodu ku xidhanyey shirkan waxa kasoo baxa gadaalkii oo wadanka marka la isu furo waa la isku dhex yaaacayaa isbedel aan la filayn baa SOMALILAND ka dhex dhicidoona.
Shirkii Ethiooia Somalia iyo Eritrea ay wax kala saxeeedeen tafaashiisii way ka qarsoonayn SHIRKAN dib u heshiisiinta SOMALIA iyo WOQOOYIGA la baxay SOMALILAND maxaana kaga soo bixidoona waqtiga foodda inagu soo haya.
M Bashe
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!