"Waxaa La Inaga Rabaa Inaynu Mawqif Isku Mid Ah Ka Yeelano Wax Kasta Oo Waxtar Iyo Waxyeelo Inoo Keenaya.."

0
Wednesday June 17, 2020 - 10:24:47 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1196
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Waxaa La Inaga Rabaa Inaynu Mawqif Isku Mid Ah Ka Yeelano Wax Kasta Oo Waxtar Iyo Waxyeelo Inoo Keenaya.."

    Xidhibaan Xuseen Maxamed Cige, oo tirsan Golaha Wakiilada Somaliland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xidhibaan Xuseen Maxamed Cige, oo tirsan Golaha Wakiilada Somaliland

Hargeysa (HWN) – Xidhibaan Xuseen Maxamed Cige, oo tirsan Golaha Wakiilada Somaliland ayaa ku baaqay in mucaarad iyo muxaafidba in aan siyaasad galin wax kasta oo dan u ah Somaliland, waxaanu ku taliyey in mawqif isku mid ah laga yeesho wax walba oo waxyeelo ama waxtar u ah Qaranimada.

 

Xidhibaan Xuseen Maxamed Cige oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya, waxaanu ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay "Wax walba oo danteenu ku jirto inaynu raacno oo aynu ku dhaqaaqno weeyaan, Mucaarad iyo Muxaafidba waxaa la inaga rabaa inaynu mawqif isku mid ah ka yeelano wax kasta oo waxtar iyo waxyeelo inoo keenaya, maxaa yeelay waxaynu gudaheena isku hayno iyo wax kasta oo dibedda inagaga imanayaa waa wax aad u kala fog, inagu gudaheena waxaynu doono aynu is nidhaahno, balse wixii arrimaha dibedda inagaga imanaya aynu mawqif qudha oo isku mid ah ka qaadano, oo yaan marnaba la siyaasadayn”.

 

Mar uu ka hadlaayey wada-hadallada ayuu yidhi "Dabcan, Somaliland iyo Soomaaliya inay ku wada hadlaan sidii laba dal oo isku mid ah waa sidii loo baahnaa, qaabka uu hadda wada-hadalladu u furmeena waan soo dhaweeynayaa”.

 

Mar uu ka hadlaayey khudbaddii Madaxweynaha Somaliland ayaa uu yidhi "Khudbaddii uu Madaxweynuhu soo jeediyey waan bogaadinayaa, khudbad dhinaca kasta ka dhamaysitran ayay ahayd, runtana wuu ka hadlay oo waxa jira ayuu sheegay”

 

 


Loading...
Loading...