Sirta Noloshu waa Fahamka Nolosha (Q,5-aad)

0
Wednesday June 17, 2020 - 10:01:16 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1456
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sirta Noloshu waa Fahamka Nolosha (Q,5-aad)

    Qalinkii/ Maxamed Faarax Qoti

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qalinkii/ Maxamed Faarax Qoti

"Markabkan aynu saaranahay ma’dabeylahaa wadhfinaaya, mise, si fiicanbuu bad-weynta dusheeda u dhex-mushaaxayaa? Are we on board the ship plying nicely in the high seas or winded navigation?,.” Waa Qormo Xiiso Badan oo uu qoray Qoraa Maxamed Faarax Qoti

 

Haddaba, si aynu taasi u fahamno, waxa tusaale inoogu fillan, haddii aynu si toos ah labadeena gacmood baabacaddooda mid ka mid ah u dul saarno qalin, muddo 5-daqiiqadood ah, dhibaato ah ma’laha, laakiinse, haddii aynu ku hayno in uu dul saarnaado qalinku baabacadda, muddo 48-saacaddood ah, shaki kuma jiro taasi, in aynu dareemi doono kabuubyo iyo xanuun badan, isla markaana, gacantii qalinku dul saarnaa muddada dheeri ay qalali doonto.

 

Run ahaantii, waynu wada ogsoonahay in qalinku aanu lahayn wax culeys ah, laakiise, ay wax-yeeladdaasi ka timid muddadii dheerayd ee qalinku saarnaa baabacadda dusheeda, haddaba, marka aynu eegno, xanuunnada haggaasiya fahanka nolosha ee inta badan hayey dad badan oo saarnaa markabkaas, waxa sabab u ahayd mudaddii dheerayd ee ay ku jireen cidhiidhiga iyo rajo la’aantu.

 

Nasiib darrose, isagoo ka war qaba arintaas Naakhuuduhu, haddana waxa uu aad u xiiseyn jiray in la weyneeyo magaciisa, laguna soo dhaweeyo sacab, mashaxarad iyo caleemo qoyan, wakhti dadka markabka saaran ay la ildarnaayeen cidhiidhi iyo rajo-la’aan muddo dhaaftay.

 

Inkastoo, dadkaas ay ahaayeen dad hodan ku ahaa hawraar ku salaysnayd tix-suugaaneed, tiraab ku qotontay hiddo-samida dhaqankoodii suubanaa, weedho iyo murti hal-muceedkeedu ku dhisan yahay nuxur ka hooseeya tixaha la tiriyo, kana sareeya hadalka af-maalmeedka ee la yidhaahdo, sida, Odhaahda, Hal-ku-dhega, Hal-qabsiga, Hal-hayska, Hal-muceedka, Halxidhaale, Googaalaysi, Carabjalqi, Sheekooyinka dhaqanka iyo Maahmaahyo leh ereyo cuddoon oo ay ku dhidban yihiin tiraab ku socota hannaan iyo hab-dhac toolmoon, sarbeeb humaag maldahan oo midhaha ku duugani ay xambaarsanaayeen muuqaallo dhab ah, kuwaasoo u jeedooyinkooduna ay ku sar iyo jaan go’naayeen, waayo-aragnimo aqooneed ee ay ka soo dhaxleen geeddi-socodkii ged-gedoonka hayaanka waayihii nololeed ee ay soo mareen dadkii saarnaa markabkii S-Dnal-Re.

Maahmaah kastaa waa Murti, Laakiinse, Murti kastaa maaha maahmaah, waanay ka duwan murtida inteeda kale, waxay leedahay tayo qaafiyadeed oo leh hab-dhaca meeriska oo kale, mana laha taran, miisaan iyo hal-raac sugan, sida,

• Annigoo taahaya ayeey weyli igu joogsatay

• Garawshiiyo waa geel siin

• Farasaw kadlahaaga iyo kudladaada isla sug

• Eydin geel kolba waa ninkii ku danbeeya

• Tol yarraaday taffo naagood baa laga dayaa

• Dad iyo duurba wax aanad ka filayn baa kaaga soo baxa,

• Illko abeeso hoostay ka wada xidhiidhsan yihiin

• Geel aan af-saar lahayn iyo adhi aan daleela lahayni midna ma dhaqmo

• Ayax teg eelna reeb

• Hal libaax arkaysaa ma godlato

• iyo Aar qoyey dacawaa la moodaa. Aarku marka uu roobku ku da’o ee uu qoyan yahay, waxa la moodaa dacawo, balse, maahmaahdan waxa loola jeedo, marka nin ragganimo badnaan jiray oo xoolo lahaan jiray wakhti hore, balse, wakhti dambe uu waayuhu ku ciiro, dadka aan aqoonta u lahaynina way da’lasanayaan, ka dibna, dadkii aqoonta dheer u lahaan jiray ayaa u soo qaata maahmaahdaas.

Maahmaahdan "Dadku hadalka ayey isku af-gartaan, xooluhuna urta,” waxa loola jeedaa in dadku ay isku af-gartaan hadalka, halka xooluhuna ay isku af-gartaan urta iyo dhawaaq coded, inkastoo, noollayaasha kale aanay awoodi karin in ay ku dhawaaqaan dhawr xaraf wax ka badan, sida marka geellu uu reemayo ama uu ololayo ama uu dunuunucayo, Lo’duna ay dinnaahinayso, Dacawadu ay wishiirrirayso, Adhiguna uu shalaadayo iyo haddii libaaxu uu gurxamayo ama uu qawdhamayo.,……La soco………

 

Qalinkii/ Maxamed Faarax Qoti


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...